Qiso:Arrin kasta Dhinaca Aad Ka Aragtaa Sax Maaha

0
384

Wuxuu ahaa aabe qoyskiisa maalin kasta webiga uga soo  dhaamin jiray biyaha uu ku soo qaado qoriga garbihiisa labada weelka ugu xidhan.

Midkood labada weel waa uu daloolay oo biyaha ayuu daadin jiray waxaanu guriga  gudihiisa uu soo gaadhsiin jiray kala badh intii uu webiga ka soo dhaamiyay. Laba sano markii uu waday ayuu weelkii daloolay la hadlay oo ku yidhi :” Waxaan la yaabay dadaalka haddana cidladda ku dhamaanaya, maalin kasta biyaha aad igu qaado kala badh way daataan”.

 

Aabaha oo faraxsan ayaa ku yidhi weelkii daloolay :” Miyaanad u fiirsan ubaxyada dariiqa guriga qurxiyay iyo inay khudrada baxday ee ay soo saareen biyuhu”.  “Midhaha gurigayga ka baxay adiga ayaa waraabiya aniguna waan gurtaa”. Haddii aanad daloolin midhahaasi iima bexeen, waana aan ugu talogalay”. Waxa muhiim ah inaan aqbalno ficilada ay samaynayaan dadka aan la noolahay, waayo dhinaca aan arkayno maahee, dhinacyo kale ayaa jira”.

 

Leave a Reply