Saddex Qof oo ku Dhaawacmay Mudaharaad ka Dhacay Magaalada Boorame

0
536

Boorame (Dawan)- Saddex qof ayaa ku dhaawacmay mudaharaad rebshado watay oo shalay ka dhacay magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal. Kadib markii iska hor imaad uu dhexmaray booliska iyo dad mudaharaad samaynayay.

Saddexda qof ee mudaharaadkaasi ku dhaawacmay waxa ka mid ahaa askari ka tirsan ciidanka booliska, halka labadda kalena  ay ka mid ahaayeen dadkii mudaharaadka dhigayay oo ka gadooday dhul la sheegay in muddooyinkankanba lagu muransanaa.

Dadka ku dhaawacmay rebshadihii ka dhashay mudaharaadkaasi ayaa la geeyay cusbitaalka guud ee magaaladda Boorama oo lagu daawaynayo.

Labadda qof ee shacabka ah ayaa ku dhaawacmay Rasaas ay ciidamadda boolisku ku kala dareerinayeen dadkii mudaharaadka dhigayay, halka askariga booliska ahna uu dhaawaciisa sababay dhagxaan ay dadkii mudaharaadayay ku weerareen booliska.

Dadkii mudaharaadkaasi dhigay ayaa Taayiro ku gubay  meelo ka mid ah jidadka Boorama, isla markaana waxay  dhagxaan ku xidheen wadooyinka hawl-bawleyaasha ah qaarkood.

Agaasimaha guud ee cusbitaalka magaaladda Boorama  Ismaaciil Xaaji Muxumed Aaye, ayaa warbaahinta uga waramay tiradda dadka dhaawaca ah ee la soo gaadhsiiyay cusbitaalka iyo sida xaaladoodu tahay.

Waxaanu yidhi “Saddex qof oo dhaawac ah ayaa na soo gaadhay, laba qof oo shacab ah iyo hal askari oo boolis ah.  waana dhaawacyo fudud oo ma aha kuwo halis ah, intuba waa dhaawac fudud”.

Geesta  kale waxaa dhacdadaasi iyo khasaaraha ka dhashayba ka hadlay maayarka Boorama Maxamed Xuseen Maydhane  iyo taliyaha qaybta booliska ee gobolka Awdal. Waxaanay sheegeen in shaqaaqadaasi ay ahayd mid u dhaxaysa laba qoys oo dhul isku haysta, isla markaana aan loo sibir-saari Karin arrimo siyaasadeed.

Maxamed Xuseen Maydhane, oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Shaqaaqadani waxay ahayd mid ka dhalatay arrin dhul, wax siyaasad ah oo ay ku lug leedahay ma jirto.  Laba qoys oo dhul isku haysta ayaanay ahayd, oo qosyna uu sharci haysto, qoyska kale-na aanu sharci haysan”.

Maayarka Boorama ayaa sheegay in ciidamadda amaanku ay xaq u leeyihiin in ay ka hor tagaan cid kastoo isku dayda in ay waxyeelayso amaanka, isla markaana aan cidnaba looga dul qaadan doonin in ay dhibaatayso nabadgelyadda.

“Hay’adaha amaanku wixii  amaan darro keenaya in ay gacanta ku qabtaan xaq ayay u leeyihiin, imikana nabadgeliyadu waa taam”ayuu yidhi Maxamed Xuseen Maydhane.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply