Burco(Dawan)- Beelaha galbeedka Hargeysa, Saaxil iyo Bariga Burco, ayaa shir u socday maalmihii u dambeeyay oo shalay la soo gabogabeeyay,ayay labada beelood isku raaceen inay si wadajir ah taageero buuxda ugu dhisaan murrashaxiinta xisbal-xaakimka ee doorashada madaxtooyadda ee muddaysan 13-ka November 2017.
Salaadiinta guud ee labada Beelood Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan iyo Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali oo gabogabadii shirka labada beelood ka akhriyay go’aamadii labada dhinac isku raaceen ayaa tilmaamay labada beelood ay isku waafaqeen in la wada ilaaliyo nabadgelyada si guudna looga wada shaqeeyo iyo in si buuxda loo taageero loona dhiso Murashaxiintiinta Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.
Suldaan Xasan oo ka hadlayay qodobbada ay soo saareen wuxuu yidhi; “Markii labada beelood muddo badan ay yeesheen shirar is dabajoog ah oo kii ugu dambeeyay uu ugu qabsoomay magaalada Burco xarunta gobolka Togdheer waxay labada beelood isku raaceen in la adkeeyo jiritaanka qarannimada Somaliland, in la wada ilaashado nabadgelyada oo si wadajir ahna looga wada shaqeeyo labada beelood iyo beelaha kaleba wada jir u wada ilaashadaan. Waxa kaloo ay isku raaceen maadaama xilli doorasho innagu soo dhaw yahay isla markaana xisbiga KULMIYE wax badan dalka ka soo qabtay muddadii uu xilka hayay markii ay in badan rog rogeen meelo bandanna ay ka eegeen waxay isku raaceen in ay dhisaan oo ay taageeraan Xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE iyo Murrashaxiintiisa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.waxaanay labada beelood isku raaceen in labada murrashax ay dhisaan sida ay beelaha kaleba u dhisayaan,sidaas ayaanu gacmaha isku qabsanay.”
Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali oo isna ka hadlay ayaa ydhi.
“labada beelood ee halkan(Burco) shirku ugu soo gebagaboobay markii ay mustaqbalkooda iyo aayahooda iyo noloshooda ka fikireen waxay isla garteen in ay mowqif iska wada taagaan siyaasadda maanta socota kana wada shaqeeyaan oo ay xoojiyaan xisbiga KULMIYE,ummadda Somalilandna waxaanu ugu baaqaynaa in ay nabadda ka wada shaqeeyaan. waxaad moodaa in ay doorashadu u egtahay kubad,kubadda la ciyaarayo marka lagu sii socdo waa la wada jecel yahay marka laga soo dareero ee kooxi ay badisana waa la isku hambalyeeyaa,waxaanu ku dardaarmaynaa in ceeb la’aan iyo walaalnimo lagu galo tartanka doorashada.”
Dawannews Hargeysa office