Gabilay (Dawan)- Afar qof ayaa shalay ku dhintay, shan kalena way ku dhaawacmeen shil gaadhi oo ka dhacay jidka isku xidha Kalabeydh iyo Gabiley gaar ahaan deegaanka Aroorka.
Shilkan ayaa ka dhashay isku dhaca laba gaadhi oo mid Surf yahay midna Noah ahaa, dadkii shilkan ku dhaawacmay waxa lagu daweynayaa cusbitaalka guud ee magaalada Gabiley.
Afarta qof ee shilkaas ku nafwaayay waxay magacyadoodu kala ahaayeen Marxuum-Sheekh Cabdillaahi Ismaaciil Diiriye oo ahaa gudoomiyihii degmada Kalabeydh , Marxuum-Axmed Sheekh Maxamed Muxumed, Marxuum Biixi Maxamed Maxamuud iyo Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud.
Badhasaabka gobolka Gabiley, Xasan Maxamed Cabdi, ayaa Shacabka Somaliland ka tacsiyadeeyay shilkan khasaaraha geystay waxaanu yidhi; “Shilkan maanta ka dhacay gobolka Gabiley inta u dhaxeysa degmada Kalabaydh iyo Gabiley shil gaadhi oo aad iyo aad u fool xun, shilkaasi waxa ku naf waayay afar qof waana qadar Illaahay halkaasi ayay kaga dhammayd nolashoodu.”
Guddoomiyuhu wuxuu xusay inay soo saari doonaan amar la xidhiidha nidaamka wado marista, waxaanu yidhi; “Waxaannu soo saari doonaa talaabooyin adag mar kowaad iyo mar labaadba waxaanu leenahay Illaahey samir iyo iimaan ha innaga wada siiyo ehelkii samir iyo iiman saadiqa ha ka siiyo.”
Geesta kalena, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka Somaliland ka tacsiyadeeyay geerida afarta qof ee ku dhintay shilkaas baabuur.
Sida lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee xisbal-xaakimka, waxaanay u qornayd.
“Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee afarta marxuum ee kala ah;
Marxuum Cabdillaahi Cismaan Diiriye oo ahaa Guddoomiyihii magaalada Kalabaydh ee Gabiley, Marxuum Biixi Maxamed Maxamuud, Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud iyo Marxuum Axmed Sh. Maxamed Muxumed
Oo dhammaantood ku geeriyooday shil laba baabuur oo isku dhacay deegaanka Carro-tuul oo u dhexeeya Gabiley iyo Kalabaydh galabta oo taariikhdu tahay 08/10/2017, iyadoo shan qof oo kale oo ku dhaawacmay shilkaasina xaaladooda lagula tacaalayo cusbitaalka guud ee magaalada Gabiley.
Guddoomiyuhu waxa uu afartaasi Marxuum oo uu ku tilmaamay muwaadiniin qaranka ka baxay uu Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo, kuwa ku dhaawacmay shilkaasina uu caafimaad buuxa ugu deeqo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.”
Dawannews Hargeysa office