Hargeysa(Dawan)- Guddiga Komishinka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in soo dhammaystireen dhammaanba waxyaabihii lagu qaban lahaa doorashada madaxweynaha ee loo qoondeeyey in dhacdo 13 Nov.2017, sidaa waxa caddeeyey afhayeenka guddigaas Siciid Cali Muuse. Afhayeenka oo shalay u warameyey warbaahinta waxa uu sheegay in ay beryahanba ku jireen diyaargarowga madaxtooyada, isla markaana ay waddanka keeneen dhammaan qalabkii doorashada lagu qaban lahaa.
Maalmihii u danbeeyey waxa garoonka diyaaradaha ee Hargeysa iska daba yimi diyaarado qalab u sida Komishinka kuwaas oo laga dejinayey qalab badan oo kala duwan, waxaana goob-joog ka ahaa xubnaha guddiga doorashooyinka iyo mas’uuliyiin xisbiyada ah. War kooban oo Komishanku ka soo saareen qalabka la keenay iyo sida uu u yimi ayaa lagu faafiyey barta guddiga doorashooyinku ku leeyihiin Internetka, warkaasina waxa uu u qoraa sidan:-
KDQ oo muddooyinkan danbe ku guda jiray diyaargarowga doorashada madaxtooyada ee qorshaysan inay waddanka ka qabsoonto 13 Nov 2017 ayaa dalka keenay dhamman qalabkii doorashada lagu gali lahaa. Waxa 07/10/2017 madaarka Egal International Airport soo gaadhay laba diyaaradood oo siday qalabka doorashada oo ka koobnaa:
Sanaaduuqda codbixinta, Lingaxyada, Khadadka Shaambada iyo qalab kale oo badan.
Sidoo kale shalay Subax 08/10/2017 waxa madaarka soo gaadhay diyaaradii saddexaad oo siday waraaqihii codbixinta iyo foomamka kala duwan oo loo adeegsan doono doorashada. Diyaaradan siday waraaqaha codbixinta la socday Komishaneer Siciid Cali Muuse & Kommishaneer Cabdiraxmaan Cismaan Aadan oo Toddobaadkii u danbeeneyey ku maqnaa soo rarista qalabka doorashada.
Xubnaha komishanka iyo mas’uuliyiin ka socday saddexda xisbi qaran, ayaa goobjoog ka ahaa markii qalabka doorashadu soo gaadhay madaarka kana hadlay dareenkooda la xidhiidha soo dhammaystirka agabkii doorashada. Agabkaas oo dhammaan la soo wada gaadhsiiyay Xarunta KDQ laguna xareeyey goobaha loo cayimay in la dhigo inta la gaadhayo hawsha gudda galkeeda.”
Dawannews Hargeysa office