Arday Reer Somaliland ah oo Ikhtiraacay Qalab Cajiib ah

0
378

Hargaysa (Dawan)-Axmed C/rashiid Cismaan oo ah arday dhigta fasalka saddexaad ee dugsiga sare ee Salaama ee  caasimadda Hargeysa ayaa soo bandhigay qalab cajiib ah oo uu ikhtiraacay.

 

Waa Muhandis soo saaray  fikrad laga yaabo in aanay dhalinteennu ku fikirin. wuxuu sameeyay qalabka cod-baahiyaha (microphone), sameecadaha wax lagu dhegaysto, Laambadaha la iftiinsado  iyo qalab aad u cajiib ah oo lagu furayo albaabadda guryaha oo casri ah.

Ardaygan ayaa warbaahinta uga sheekeeyay waxa ku dhaliyay fikradan iyo noocyada qalabkan uu sameeyay. waxaanu yidhi “Waxaa ka mid ah qalabkan aan sameeyay   makarafoonka lagu hadlo.  qalab kaloo albaabadda furaya oo aad lambar  taabanayso kadibna   albaabka dibadda ayaa ka furmaya. Waxa kaloo ka mid ah qalabka aan soo bandhigay laambadaha la shito oo rimuud lagu bakhtiinayo,”ayuu yidhi Axmed Cabdirashiid, waxaanu intaas ku daray; “Inkastoo ay hore dalka u yaaleen laambadaha rimuudka lagu bakhtiiyo, haddana waxaan sameeyay in marka ay laambadu gubato aan la tuurin oo dib loo  hagaajin karo.  Waxaanan ka dhigay in marka ay laambadu kaa gubato laga dhigi karo in rimuudka lagu bakhtiiyo.”

 

Sidoo kale maamulaha dugsiyadda Salaama Siciid Faarax Xuseen, ayaa isna ka waramay ardaygan soo badhigay qalabyadan cajiibka ah,  isagoo xusay in ardaygani uu muddo dheer soo waday qalabkan uu hadda soo bandhigay.

“Intii uu dugsigan dhiganayayba waxyaabaha uu hadda soo bandhigay wuu ku jiray oo wuu ka shaqaynayay, marba marxalad ayay la maraysay,”ayuu yidhi maamulaha  oo intaas raaciyay; “Waxa imika wax aad u yaab leh ah in mobile-ka aad haysato inta aad lanbar taabato aad albaabka ku furi karto. Waana ikhtiraacaad aad u la yaab leh oo ardaygani gaadhay.”

“Ardaygan iyo waalidkiisaba waanu u hambalyaynaynaa, waanan dhiiri gelinaynaa ardayda noocaas oo kale ah, jaa’isaddo fiican ayaanan siin doonaa. Iskuulkana lacag la’aan ayuu ku dhigan doonaa. Waanan dhiiri gelinaynaa ardaygani, ardayda kale-na waxaan ka filaynaa in ay ardaygan ka shiidaal qaataan oo ay wax abuuraan,” ayuu yidhi Siciid Faarax Xuseen, maamulaha dugsiyadda Salaama ee Hargaysa.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply