‘Xildhibaan Nacnac Waxba Kama Beddelayo Taageeradii Xisbal-xaakimka’ Wasiirka Qorshaynta

0
386

Baligubadle (Dawan): Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka iyo horumarinta ee jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Aadan Ibraahim (Qabo) ayaa afar baabuur oo loogu tallo galay in lagaga shaqeeya ololaha doorashada madaxtooyada ku wareejiyay masuuliyiinta degmooyinka hoos yimaadda gobolka Hawd.

Afartaasi baabuur oo uu wasiirku sheegay in uu isagu jeebkiisa ka bixiyay lacagta lagu soo iibiyay, waxa uu tilmaamay in u jeedadda uu ka leeyahay ay tahay in  masuuliyiinta degmooyinka Baligubadle, Balicabane, Gunburaha iyo Sayla ee xisbiga Kulmiye  ugu hawl heli lahaayeen wakhtiga ololaha.

Sidoo kale wasiirka qorshaynta waxa uu ka hadlay  arrinta  la xidhiidha ka bixitaankii xisbiga Kulmiye ee xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo muddo dheer ka tirsanaa xisbiga Kulmiye, waxaanu sheegay    in aanay wax saamayn ah ku yeelan doonin   taageeradii bulshadda gobolka Hawd ay u hayeen  xisbiga Kulmiye.   

Waxaanu sheegay in aanay ka bixitaanka Nac Nac ee Kulmiye waxba ka bedeli doonin taageeradda iyo mawqifka bulshadda Hawd ay u hayeen Kulmiye, isla markaana ay jiraan masuuliyiin kale oo degaankaasi ka soo jeedda oo xilal sare ka haya Kulmiye miisaan culusna ku leh xisbiga.

Munaasibad loo qabtay wareejintii afartaasi baabuur oo shalay lagu qabtay magaaladda Baligubadle ee xarunta gobolka Hawd  waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, guddoomiyaha ololaha xisbiga Kulmiye ee gobolka Maroodijeex xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Hawd, maayarka Baligubadle, xildhibaan Maxamuud Jaamac warfaa  iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka qorshaynta oo ka hadlayay arrinta ka bixitaanka xildhibaan Nac Nac   ee xisbiga Kulmiye, waxa uu yidhi “Maalmahan waa tii la lahaa odayaal reerka ah ayaa cadhooday oo tegay Waddani,  qaar hore oo cadhoodayna way jiraan. waxaanan leeyahay Han-garaarac Lug uma dhutio.  Reerkuna intaa wuu ka weyn yahay, shaqsi iyo laba-ba. Anaguna  taageeradii aanu hore uga haynay xisbiga Kulmiye, tamar iyo yacab-ba hogaamiyaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi, waanu ku daba gelaynaa. Arrimahaasi wax iska bedelayaana ka jirto.

Muuse Biixi, maanta muu helin guusha balse wuxuu helay wakhtigii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye la dooranayay, anaguna ilaa maalintaa waanu ku jirnay dedaalkaasi.  Decaayadaha iyo tash-wiishka la leeyahay mar haddii Nac Nac tegay, waxba ka bedeli maryso. Maantana maalintii la baydhi jiray ma aha, waxaanan hiil oyo hooba la garab taaganahay xisbiga Kulmiye, ilaa inta aan kursiga saaraynana sidaas ayaanu gacmaha isku haysanaynaa”.  

Geesta kale  gawaadhidaasi oo ahaa afar gaadhi oo ah nooca loo yaqaano Surf  ayaa loogu tallo galay in ay ku hawl galaan xiliga ololaha masuuliyiinta degaamadda ka tirsan gobolka Hawd ee  degmadda Baligubadle, Bali-cabane, Gumburaha iyo  Sayla Bari.

Wasiir Qabo, oo ka hadlayay baabuurta uu wareejiyay iyo u jeeddada uu ka leeyahay wuxuu yidhi “Afartan baabuurtan ee aan wareejinayo waxaan ugu talogalnay in ay ka hawlgalaan gobolka Hawd wakhtiga ololaha doorashada madaxtooyada, oo ay ku kala hawl geli doonaan afarta degmo ee kala ah degmadda Baligubadle, degmadda Guburaha, degmadda Balicabane iyo degmadda Sayla.  

U jeeddo kale kama lihin,  waxay iga tahay uun dhiiri gelin iyo dar-dar gelin hawlaha inagu soo socda. Waxaan doonayaa dadkeenu in ay ila bartaan in siyaasadu ku wanaagsan tahay wadaaga iyo wax is-tarka, waayo xisbiga waynu wada leenahay”.

Waxaanu intaas ku daray, “Waxaa laga yaabaa in dad badani  ku fikiraan oo is yidhaahdaan wasiirku ma xagga xukuumadda ama wasaaradiisa ayuu baabuurtan ka soo iibiyay, balse lacagta aan afartan baabuur ku soo iibiyay waa mid aniga ii gaara oo aan si shaqsi ah u bixiyay.  Waxaan doonayaa in wasiirrada kale igu daydaan, maamuladda kale igu daydaan”ayuu yidhi wasiirka qorshaynta.  

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply