Xisbiga Kulmiye oo Balan-qaaday inay ku Qancayaan Natiijada Doorashada Haddii Laga Guulaysto, Mucaaridkana Baaq u Diray

0
442

Hargaysa (Dawan)- Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee xisbiga Kulmiye Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in xisbigoodu uu aqbali doono haddii lagaga guulaysto doorashada madaxtinimada ee qorshaysan inay  Somaliland ka qabsoonto  13ka Bisha November ee soo socota.

Waxaanu caddeeyay in xisbal-xaakimka uu khibrad iyo waayo aragnimaba u leeyahay in uu aqbalo natiijada doorashada madaxtooyada, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay aqbalayaan xataa haddii tiro aad u yar lagaga guulaysto.

Waxa  kaloo  uu ka hadlay  warar sheegayay in xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI la sheegay inay iibsanayeen kaadhadhka codbixinta ee meelaha xisbiga KULMIYE ku xooggan yahay.

“Haddii aynu nahay reer Kulmiye waxaynu doonaynaa in aynu doorashada madaxtooyada u galno si nadiif ah, oo aynu codkeenna dhiibano.  Maalamahan waxaan wargeysyada  ku arkayay iyadoo la leeyahay xisbiga Waddani waxa uu doonayaa  in meelaha xisbiga Kulmiye taageereyaashiisu ku badan yihiin in ay Kaadhadhkooda codaynta ka iibsadaan oo kadibna kaadhadhkaasi la tuuro, haddii aynu nahay xisbiga Kulmiye dhaqankaas  ma lihin.

Saddexda xisbi qaran waa saddex xisbi oo wallaalo ah, waxaana ka dhexeeya dalkan jamhuuriyadda Somaliland  iyo dadka reer Somaliland ayaa ka dhexeeya, keliya waxaynu ku tartamaynaa maamulka waddanka midka ku fiican.

Hab  dhaqamadda noocaas ah ee qabyaaladu ka midka tahay ee kaadhadhka la iibsanayo  ee qof muwaadin ah kaadhkiisa la gubayo, waa waxyaalaha aynu kala dagaalamayno in aynu dalka ka tirtirno. Waxaynu ilaalinaynaa doorashadeenna  nabad gelyadeeda,”ayuu yidhi Maxamed Kaahin oo hadal ka jeediyay xaflad xisbal-xaakimku Sabtidii Huteelka Maansoor ee Hargeysa ugu sameeyeen siyaasiyiin ku soo biiray oo ka soo digo-rogtay xisbiga mucaaridka ah ee UCID.

 

Waxa kaloo uu intaas raaciyay;   “Waxaa jirtay in dhawaan xisbiyada mucaaridka ahi ay yidhaahdeen kuma kalsoonin  ururrada maxaliga ah ee dhammaanba doorashooyinkii kala danbeeyay ee dalka ka soo qabsoomay kala shaqeeyay komishanka doorashooyinka.

Innagu haddii aynu nahay Kulmiye, ururradaasi waynu ku kalsoonahay, komishanka doorashooyinka ayaynu ku kalsoonahay,  goob joogeyaasha caalamiga ah ee imanaya ayaynu ku kalsoonahay, kuwa maxaliga ah ee waddanka gudihiisa laga magacaabayna kalsoonideennii waynu siinay.  Ufo sii kicin mayno, khalkhal iyo qalaan-qal horseed u noqon karta arrinta doorashadeenna.”

 

“Qaranimadda Somaliland waxaynu ku ilaalinaynaa nabadgelyada,  waxaynu ku ilaalinaynaa nidaamka doorashada xorta iyo xalaasha  ah, dadkana waxaynu u sheegaynaa, rejo weyn-na Kulmiye ahaan weynu qabnaaye, laakiin haddii berito la yidhaahdo Kulmiyoow waa lagaa helay doorashaddii,  sidii berigii (doorashadii madaxtooyada ee 2003-dii) 80-ka cod la inagaga helay in aan hore ka saxeexno, oo aan cid walba oo  ku guulaysata hambalyayno.

Saaxiibadayada xisbiyada kale waxaannu leenahay, hadhaw bay murantaaye, maanta wixii aynu ummadda u sii balanqaadno ayay hadhawna ummaddu inoogu kala markhaati furaysaaye, idinkuna ummadda u balanqaada in haddii la idinka hello doorashada madaxtooyada, cidii idinka hesha aad hambalyaysaan. Waxa ka mid ah   waxyaabaha caalamku innagu amaano in xukunka si nabadgelyo ah lagu wareejiyo, taariikhda aynu Afrika dheer nahayna waa taas,”ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply