Xukuumadda Somaliland & UNICEF oo ka Wada Hadlay Nafaqeynta Caruurta

0
383

Hargeysa (Dawan)-Madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),  ayaa shalay  xafiiskiisa ku qaabilay wefti sare oo ka socday hay’adda hooyada iyo dhallaanka u qaabilsan qarammada midoobay ee UNICEF qaybteeda nafaqaynta caruurta oo uu hoggaaminayay madaxa barnaamijka nafaqaynta caruurta ee UNICEF.

Weftigani ayaa kala hadlay madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland sidii ay Qarammada midoobay iyo Somaliland iskaga kaashan lahaayeen nafaqaynta caruurta Somaliland.

Madaxwayne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil oo warbaahinta la hadlay  kulankaas kadib,  ayaa sheegay inay isla qaateen in si weyn loo gorfeeyo qaabkii ay Somaliland iyo UN-ku iskaga kaashan lahaayeen daryeelka iyo nafaqaynta caruurta reer Somaliland.

Md. Cabdiraxmaan Saylici  waxa  uu intaas ku daray in  mashruucani uu soo bilaabmay sannadkii 2010-kii islamarkaana ay Somaliland ka mid noqotay dalalka  ay ka jirto barnaamijka nafaqo darradu.

“Waxaanu halkan isugu nimid annaga iyo masuuliyiinta hay’adda UNICEF dhaqdhaqaaq cusub oo  lagu  xoojinayo nafaqeynta caruurta, soona bilaabmey sannadkii 2010.  Jamhuuriyadda Somaliland  waxay ka mid noqotay dhaqdhaqaaqaas lagula dagaalamayo nafaqo darrada, kaasi oo iska kaashanayaan qarammada midoobay iyo hay’addaha kale ee qaadhaan-bixiyeyaasha,”ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku, waxaanu intaas raaciyay; “Waxaanu halkan ka caddeynaynaa inaanu la qaadanay hay’adaha UN-ka  arrimo laf dhabar u ah  caafimaadka hooyada iyo dhallaanka nafaqeyntooda.waxaanu barnaamijkani  khuseynayaa wasaarado kala duwan oo nafaqeynta soo galaya, waxaana doorka kowaad leh wasaaradda caafimaadka.  sidoo kale waxa iyaduna meesha soo galaysa wasaaradda beeraha oo cunadii beeraysa, waxaana hoggaamin doona xafiiska madaxweyne ku-xigeenka. Waxay   noo balanqaadeen sidii ay u hirgalin lahaayeen dhaqdhaqaaqa cusub kaasi oo ah midka loogu magac daray la dagaalka nafaqa darrada”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply