Hargeysa (Dawan)- Guddoomiye ku-xigeenka guddida maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, Mukhtaar Yaasiin Xaaji Cali Shire, ayaa sheegay in ay diwaan-geliyeen dhammaan hantida qaranka ee wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan ee dawladda, xogtaasina ay ku wareejin doonaan xukuumadda cusub ee timaadda.
Mr. Mukhtaar waxa kale oo uu sheegay in ay ku hawlan yihiin, kana shaqaynayaan sidii loo ilaalin lahaa hantida qaranaka, muddada kala guurka ah ee lagu guddo jiro qabanqaabada qabashada doorashada madaxtooyada Somaliland ee fooda inagu soo haysa.
“Xilkan waxaanu haynay aniga iyo guddoomiyuhu ilaa bishii shanaad ee sannadkan, muddadaa waxaanu qabanay wax badan oo aan la qaban muddadii todabada sannadood ahaynd ee la soo dhaafay, waxa ka mid ah in aanu baadhno habka maamul ee wasaaraddaha iyo hay’addaha dawladda, shaqaalaha tababarkooda, qalabaynta xafiisyada iyo waxyaabaha ay u baahan yahiin, tobon wasaaradood oo dalka ah ayaanu baadhnay, gobolada waawayn ee dalka afar ka mid ah waanu marnay,” ayuu yidhi Mukhtaar Yaasin oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan.
Mukhtaar waxa uu xusay muddadii ay ku gudo jireen baadhista maamul wanaaga wasaaraddaha iyo ha’yaddaha dawladda in ay saxeen, isla markaana la hagaajiyay waxyaabo badan oo khaladanaa, kadib markii ay isla garwaaqsadeen guddida iyo wasiiraddii ay khusaysay, waxaanu yidhi “muddadii aanu ku gudo-jirnay baadhitaanka wasaaradaha, waxa jiray, waxyaabo badan oo aanu saxnay oo khaldanaa, kadib markii aanu isla garanay anaga iyo wasiiraddii wasaaradahaasii joogay.”
Guddoomiye ku xigeenku waxa uu sheegay in ay diwaangeliyeen hantida wasaaraddaha iyo hay’addaha kale ee dawladda, waxaanu yidhi “Waxaanu diwaangelinay dhamaan hantidda wasaaraddaha iyo hay’addaha madaxa bannaan ee dawladda, ilaa gaadhi ilaa iyo Kaambiyuutar, si aanu xukuumadda cusub ee iman doonta ugu diyaarino qaabkii ay ula wareegi lahayd, waxa kale oo ku jira ilaalinta hantida qaranka, maadaama lagu jiro xili kala guur ah, waa hawl aanu bilawnay ilaa bishii shanaad, waana hawl aanu sii wadi doono, xukuumadda cusub ee timaadana aanu kala shaqayn doono, sidii maamul hufani u dhici lahaa, sababta oo ah shaqadayada ayaa ah maamul wanaag, wax baddana waanu ka qabanay.”
Mukhtaar waxa uu tilmaamay faa’iidada ay qaranak u leedahay diwaangelinta hantida wasaaraddaha iyo hay’addaha qaranka, waxaanu yidhi “Liiska aanu diwaangelinay ee hantida wasaaraduhu, waxay faaa’iido u tahay qaranka, tusaale ahaan marka wasiir xilka ka tago ee uu xilka ku wareejinayo wasii cusub, anagu (Guddida Maamul-wanaaga) goob joog ayaanu ahaanaynaa, waxaanu hubinaynaa hantida uu wareejinayaa in ay waafaqdo ta anaga noo diwaan gashan, taasina waxay ilaalinaysaa hantida qaranka.”
Guddoomiyuhu waxa uu sharaxay waxa ay ku kala duwan yihiin maamul wanaaga iyo musuqmaasuqu, waxaanu yidhi “Had iyo jeer dadku waxay yidhaahdaan maamul wanaaga iyo musuqmaasuqu maxay kala yidhiin, waa laba qodob oo isku xidhan, maamulku marka uu wanaagsanaado musuqa ayaa yaraada, halkii aad eryan lahayd qof baa musuq qaatay, waxa wanaagsan in aad seeska ka soo bilawdid oo aad qofka ku tababarto maamulka wanaagsan, taas ayaanu ku dedaalnay oo aanu hore u soo samaynay iminkana aanu ku sii dedaali doonaa muddada aanu joogno oo ah afar sannadood oo ka soo bilaabmaysa bishii shanaad ee sannadkan.”
Mukhtaar Yaasiin waxa uu faahfaahiyay qaab dhismeedka guddida maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, waxaanu yidhi “Guddida maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqu waxa uu ka kooban yahay shan xubnood, shantaas xubnood ayaa iska soo dhex doorta guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen.”
Guddoomiye ku xigeenku waxa uu sheegay in ay wada-shaqayn fiican la leeyihiin Hanti-dhawrka guud ee qaranka, waxaanu yidhi “Hanti dhawrka guud ee qaranka, wada-shaqayn fiican ayaanu leenahay, laba ha’yadood oo is khuseeyana waanu nahay, oo iyagu khaasatan waxay khuseeyaan in ay hoos u galaan dhaqaalaha, anaguna waxaanu khusaynaa in aanu maamulka hoos u galno, tusaale ahaan haddaanu meel galno oo aanu mad-madow ku aragno dhaqaalahooda iyaga ayaanu u gudbinaa, iyaguna sharci ahaan hadday meel galaan, waxay u gudbinayaan xeer ilaalinta, waa sida uu sharcigu qabo.”
“Waxaanu hadda bilawnay qorshe ah in aanu ogaano cid kasta oo ay wasaaradda qorshayntu liisan siiso oo ku saabsan wixii maamul wanaaga, in ay ogaysiin na soo siiso, si aanu u ogaano waxa ay qabanayaan, oo aanu ula socono waxa ay yidhaahdeen waanu qabanaynaa iyo waxa ay qabteen, maaha ururada oo kaliye, laakiin ha’yad kasta oo caalami ah waxa ay qabanayso in aanu ogaaano waa shaqo anaga noo taala, waa shaqooyinka todobadii sanno ee hore aanay qaban guddidu, laakiin waa hawl aanu hadda bilaabayno,” ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka guddida maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Mukhtaar Yaasiin Xaaji Cali Shire.
Guddoomiye ku xigeenku waxa uu ugu baaqay masuuliyiinta qaranka Somaliland, in la tixgeliyo wareegtadii madaxweynaha ee ku saabsanayd ilaalinta hantida qaranka, waxaanu yidhi “Waxaanu ku boorrinaynaa masuuliyiinta dawladda in la tixgeliyo wareegtadii madaxweynaha, in la qiimeeyo aragtida ah, in la kala saaro hantida qaranka iyo xisbinimada, qofku xor buu u yahay xisbiga uu doono in uu taageero, laakiin waxa waajib ah in la kala saaro qarrannimada Somaliland iyo xisbiyada.”
Mr. Mukhtaar, sidoo kale waxa uu bulshada reer Somaliland ugu baaqay in qof kasta oo qaatay khaadhka codbixinta doorashadu uu codkiisa dhiibto, isla markaana meel looga soo wada jeesto ilaalinta nabadgelyada, waxaanu yidhi “Shacabka sharafta leh ee reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa inta is diwaangelisay ee kaadhadhka qaadatay, waxaan leeyahay jaanis baad haysataa ee codeeya, u codee cidda aad doonto, laakiin codee, ha noqdo mid tirsan codkaagu. Waxa kale oo aan ka codsanayaa in si nabad ah loo codeeyo, askar iyo ciidan baa inoo jooga, waxay ilaalinayaan nabadgelyada goobaha doorashada, askarigaasi daraadaa ayuu cadceeda u taagan yahay, markaa aynu nabadgelyada wada ilaalino.”
Dawannews Hargeysa office