Saraakiisha Ingiriiska Oo La Filaayo Inay Mar Labaad Ogolaansho Siiyaan Isticmaalka Gawaadhi Aan Darawal Lahayn

0
418

Saraakiisha gaadiidka dalkaasi Ingiriiska ayaa qorshaynaaya inay u ogolaadaan  markii labaad gawaadhi aanay wadin wax darawalo ahi meelaha wadooyinka dadweynaha sannadka soo socda ,siday ku sheegeen warbixin ay soo saareen dhowaan.

Bishii December ee sannadkii 2014-kii ayay ahayd markii  Wasaaradda Gaadiidka ee dalkaasi ay shaacisay inay abaal marin  siin doonto magaalada London lagu tijaabin doono gawaadhidan,kuwaas oo ay sheegeen inay noqon doonaan waxtar soo kordhay hadii ay hirgasho talaabadani.

Dawlada dalkaasi Ingiriiska ayaa sheegtay inay doonayso  inay bedesho sharciyadii hore uga yaaley gawaadhida iyo waxyaalaha kale ee Technology-ga ku taxaluqa,iyada oo doonaysa inay kamid noqoto wadamada hormuudka u ah horumarka farsamada casriga ah ee Technology-ga iyo ganacsiga ,sida uu sheegay xoghayaha  ganacsiga ee dalkaasi Ingiriisku.

Gawaadhidan iskood isku wada ayaa noqonaaya kuwo loo isticmaali doono qalabka loo yaqaano GPS-ka ,kaas oo si fudud u tusi doona jihooyinka uu doonaayo qofka saarani,sidoo kalena waxyaalaha la saaraayo loogu geyn doono,iyada oo map-ka la raacaayo qalabkaasi ku jira ama uu ku shaqaynaayo.

“habkii iyo qorshihii samaynta iminka fartaa laga qaaday,waxa keliyaata ee la doonaayo hadhsanina waa samayntoodii iyo tijaabadoodii,mana aha mid waqti badan nagu qaadanaysa,waxanaanu ku dedaalaynaa sidii aanu sannadka soo socda u dhamaystiri lahayn una soo saari lahayn,waxa kale oo aanu doonaynaa in aanu ka shaqayno  amaanka wadooyinka ,daraasado kala duwana samayno ka hor intaanan soo saarin gawaadhidan anaga oo la kaashanayna dawlada”.sidaas waxa yidhi mas’uuliyiinta ku hawlan samaynta gawaadhidan ahna madaxa warshada samayanaysa.

Injineero dalkaasi Ingiriiska u dhashay oo ay weheliyaan masuuliyiin ka socotay jaamacadda Oxford ayaa ku hawlan sidii ay qorshahan u samayn lahaayeen mar labaad ,iyaga oo tijaabooyin badana soo bandhigay,kuwaas oo ku saabsan gawaadhidan bilaa wadaha ah ee la doonaayo in lasoo saaro sannadka soo socda.

Waqtigan la joogo waxa dhibaatada ugu weyni ka haysataa dalkaasi sharciyada iyo caymiska baaburta oo ah midka hortaagan samaynta gawaadhi noocan oo kale ah ,waana ta dib u riday in lasoo saaro gawaadhi iyo qalab kale oo sidan oo kale ugu shaqeeya bilaa hage.

Kooxdan ayaa sheegay in shirkada lagu magcaabo MIRA ay hore u tijaabisay gawaadhi noocan oo kale ah ,wadamo badan ayaa iyaguna ku daba jira siday usii dayn  lahaayeen gawaadhi noocan oo kale ah ,kuwaas oo ay sharciyadoodu hore u xakamaynayeen.

“dawlada dalkaasi Maraykanka ayaa iyaduna hore ugu tijaabisay gawaadhidan oo kale gobolka California ,Nevada iyo Florida ,kuwaas oo ahaa kuwo loo adeegsaday shirkada Google,waxaanay tijaabadaasi ku sameeyeen 300,000 mile oo wado furan ah.

Sannadkii 2014 kii shirkadda Nissan ee dalkaasi Japan laga lee yahay ayaa iyaduna soosaartay gaadhi noocan oo kale ah ,taas oo ku tijaabisay wadooyin gaar loo lee yahay ah,iyada oo laga cabsi qabay inay waxyeelo kazoo gaadho dadka waqtigaasi.

Dawlada dalkaasi Ingiriiska ayaa noqon doonta dawladii ugu horeysay ee ku dhiirata inay samayso farsamadan oo kale ,iyada oo dadkana u adeegsanaysa ,dadka laftooda ayaa loo ogolaan doonaa inay gawaadhidan isticmaalaan tijaabada ka dib.

 

Leave a Reply