Afgaanistaan: Lixdameeyo Qof oo lagu Diley Weeraro lagu Qaaday Masaajido

0
432

Ugu yaraan  lixdan qof ayaa lagu dilay weeraro is qarxin ah oo lagu qaadey masaajido kala duwan oo  ku yaal Afgaanistaan jimcihii shalay.   Sida ay sheegayaan saraakiishu nin hubeysan ayaa soo galey masjid shiicadu leedahay oo ku yaal Kaabul, ka hor intaanu ku furin  rasaas, kadibna qarrxin aalad kuwa  qarax ah, isaga oo halkaa ku diley 39 qof oo cibaadeysanayay.

Weerar labaad oo ka dhacay masjid sunniyiintu ku tukanayeen   oo ku yaal gobolka  Ghor ayaa isna isla shalay lagu diley 20 qof.

Tirada jimcihii lagu diley masaajidada Afgaanistaan ayaa sidaa ku noqoneysa ugu yaraan lixdan.

Weeraradan cusub ayaa ka dhigaya tirada dhimashada ugu yaraan 176  qof , kuwaasi oo lagu diley bambooyin daafaha Agaanistaan wiiggan.

Leave a Reply