Lamaane Maxkamadi ku Xukuntay Dhacdo La Yaableh oo ay Sameeyeen

0
485

Maxkamadda Rafcaanka ee magaalada Manocco ee waddanka Faransiiska ayaa xukun kala duwan ku riday kadib markii ay ku kaceen fal ay dadka magaaladaasi degan aad uga xumaadeen, waxaanay maxkamadu dambigaasi ku heshay lamaanahaasi.

Lamaanahan ayaa kala fogeeyey laba bisadood oo ay guriga hore ugu wada haysteen, iyada oo midba meel la geeyey, taas oo ay kormeer kusoo mareen goobta dadka xayawaanaadka u doodaa, waxaanay heleen bisadda oo ciyaysa, kadib dadka jaarka la ahaa lamaanahan ayaa u sheegay in Bisadan laga fogeeyey Hooyadeed .

Dadka u dooda xuquuqda xayawaanaadka ayaa dacwadaasi ka gudbiyey lamaanahan oo iyagu cadho ku kala maqnaa, kuwaas oo markii ay kala cadhoodeen mid waliba qaatay Bisadihii guriga joogay mid kamid ah.

Lamaahana aya ninkii lagu xukumay muddo shan bilood ah , iyada oo gabadhiina lagu xukumay muddo saddex bilood ah, iyada oo la filaayey markii hore in lagu xukumo muddo intaasi ka badan .

Kiiskan ayaa aad u soo jiitay dadka dalkaasi Faransiiska iyo warbaahinta caalamkaba, iyada oo laga qoray maqaalo aad u badan, sida lagu daabacay wargeyska Le Monde oo uu wargeyska Dawan qormadan kasoo xigtay.

Dacwad oogeyaasha maxkamada ayaa sheegay in arrintani noqotay mid la yaableh, waxaanay intaasi ku dareen inay aad uga xumaadeen dhacdadan ay ku kaceen lamaanahan cadhada ku kala tegey ee kala dheereeyey Bisadaasi iyo dhasheeda.

Leave a Reply