Madaxweyne Siilaanyo oo Muddo Xileedkiisa ku soo Gunaanaday Taariikh iyo Guul uu u soo Hooyay Somaliland

0
389

Caynaba(Dawan)-  Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo maamulka Khaatumo ayaa  si rasmi ah heshiis nabadeed ku kala saxeexday magaalada Caynaba ee xarunta Gobolka Saraar oo shalay  lagu soo gabo-gabeeyay wadahadalkii u socday dawladda Somaliland iyo maamulka  Khaatumo labadii sannadood ee la soo dhaafay.

 

 

Wada-hadalladan oo hore uga soo qabsoomay  socday dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Somaliland gudaheeda ayaa lagu  soo gabogabeeyay magaalada  Caynaba ee gobolka Saraar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo hoggaamiyaha maamulka Khaatumo Prof.  Cali Khaliif Galaydh oo si wada jira u saxeexay heshiiskan ay gaadheen labada dhinac.

 

Prof. Cali Khaliif Galaydh oo hadal kooban oo uu ka jeediyay madashii heshiiska lagu kala saxeexday,  ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay heshiiskan, waxaanu tilmaamay  in dastuurka Somaliland oo la furaa yahay dawada  kaliya ee reer Sool, iyo Sanaag bari ku raaci karaan Somaliland. Waxa kaloo uu balanqaaday inuu heshiiskan  sida uu yahay uu u fulin doono.

 

Wasiirka  Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa akhriyey nuxurka heshiiska Jamhuuriyadda Somaliland iyo Khaatumo, wuxuu u dhignaa:-

In la helo caddaalad iyo sinaan iyo nabad ku wadda noolaansho.

In la wada ilaaliyo jiritaanka iyo madax-bannaanida Somaliland.

In khilaaf kasta oo jira lagu dhammeeyo wada hadal iyo jid nabadeed.

In la adkeeyo midnimada iyo nabad ku wada noolaanshaha.

In dastuurka dib loo furo si loo sugo awood qaybsi ku dhisan caddaaladda iyo Sinaan, guddi joogto ahna arrinkaas loo saaro.

In dawladda Somaliland, ururrada samafalka iyo hay’adaha jimciyada quruumaha ka dhexaysa ka hawlgalaan sidii mashaariic horumarineed looga samayn lahaa gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

In ciidammada hubaysan ee Khaatumo la qarameeyo oo waddanku yeesho ciidan qaran oo suga xuduudihiisa, jirintaankiisa iyo danahiisa.”

 

 

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa khudbad dheer ka jeediyay madashaasi waxaanay khudbadiisa oo dhammaystirani u qornayd sidan:-

 

“Mudanayaal iyo Marwooyin, milgo iyo maamuus weyn bay ii tahay, in aan maanta (shalay) ka soo qayb-galo munaasibaddan taariikhiga ah, ee lagu soo afjarayo, khilaafkii dheeraa ee u dhexeeyey Somaliland iyo Khaatumo. Sharaf weyn bay ii tahay, Madaxweyne ahaan,  in aan maanta ku guulaysanno, xal u helidda khilaafkaa, dhaawaca ku ahaa midnimada iyo wadajirka ummadda Somaliland. Dhinaca kale, waa Eebe Mahaddii, in aanu  aniga iyo saaxiibkay Prof. Cali Khaliif Galaydh, oo aanu wadaagno, sooyaal taariikheed oo dheer, aanu bogsiinnay boogihii iyo nabaradii labada dhinac, isla markaana aanu maanta isku mabda’ iyo mawqif siyaasadeed nahay.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin, Xal-u-helidda khilaafka ina soo dhex-galay, wuxuu ahaa mas’uuliyad ummad ahaan ina saaran, si gaar ahna, wuxuu ahaa xil noo saaran labadayada oday, ee jaalka ah. Tan iyo intii, Qarankan Jamhuuriyadda Somaliland, dib loo yagleelay, waxa jiray tabashooyin iyo saluug, ay tirsanayeen beelaha degaannada Gobolka Sool, Xaysimo, Buuhoodle iyo Sanaag Bari. Nasiib darro, ma dhicin in si rasmi ah, marnaba khilaafaadkaa,  loogu xalliyo hab-dhaqan ama mid siyaasadeed toona.

 

Hoggaamiye ahaan, markii aan haaneeday hogaanka dalka, bilowgiiba, waxaan ku baaqay wada-hadal iyo gogol nabadeed.  Xukuumaddaydu, waxay xoog saartay, dardar-gelinta siyaasad ku dhisan nabadayn, wada-hadallo iyo dib-u-heshiisiin. Muddadii labada sanno, ee u dambaysay, waxaannu agaasinay shir doceedyo gaar-gaar ah, oo aanu ku marti-qaadnay Madaxda dhaqanka iyo kuwa siyaasadda, ee degaannadaa Gobolka Sool. Shirarkaas goos-gooska ah, ee kala duduwanaa, ugamaanu jeedin in aanu ku qaybino, ama ku kala qoqobno waxgaradka bulshada ku dhaqan degaannada kor ku xusan.

 

Hase-yeeshee, waxay ujeeddadu ahayd, in ay u noqdaan gogol xaadh, shirweyne ballaadhan oo ay ku wada xaajoodaan Somaliland iyo Waxgaradka deegaannada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle. Waxa mudan, in aan si gaara u xuso Shirweynihii Magaalada Adhi-cadeeye, iyo Kii Awr-boogays, ku dhex-maray Xukuumadda Somaliland, iyo Beelaha Maxamuud Bari, Hijiinle iyo Cabdiraxmaan Harti. Waxaan jecelahay, in aan halkan ka bogaadiyo, Garaadadii, Cuqaashii, Wax-garadkii iyo hal-doorkii, ka-qayb-qaatay qabsoomida shirkaa, iyo meel marinta go’aamadii ka soo baxay. Sidaa darteed, waxaanu dhawri doonaa, dhammaan heshiisyadii iskaashiga, iyo wax-wada qabsiga ahaa, ee dhexmaray labadayada dhinac. Waxa waajib ku ah, hoggaamiyaha i beddeli doona dhawaan, inuu dhaqan-geliyo go’aamada Shirkii Awr-boogays.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,Waxaan soo dhaweynayaa, midnimada iyo heshiiska maanta aanu kala saxeexanayno, maamulka iyo madaxda Khaatumo, kaasoo shacbiga Somaliland u horseedaya; Horumar, iskaashi iyo isku-duubni. Waxaannu fulin doonaa heshiiskan, ka kooban Saddex iyo Tobanka Qodob, isla markaana, waxa waajib ku ah, hogaamiyaha i beddeli doona, dhaqan-gelinta go’aamada heshiiskani uu xambaarsan yahay.

 

Waxaan kula dardaarmayaa, kuna adkaynayaa Madaxweynaha aan xilka ku wareejin doono, 13-ka bisha December, 2017-ka, in uu mudnaan siiyo, dib-u-dhiska iyo horumarka degaannada Gobollada Sool, Buhoodle, Xaysimo iyo Sanaag Bari. Sidoo kale, waxaaan kula talinayaa in uu qaban-qaabiyo shirweynihii guud ee baaqday. Midnimada iyo wadajirka ummadda Somaliland, waa mid leh muhiimad weyn, oo aan marnaba, madmadow la gelin karin.

 

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Laba ILAAH Baa u Daawo Qaaday, Labana Iyagaa Daawo Qaatay”. Haddaba, waxaan leeyahay, ummadda Somaliland, ILAAHAY ayaa u daawo qaaday, oo waa kuwo wadaaga dal, dad, daaq, degaan, debci, diin iyo dhaqan guun ah.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin, Si loo xaqiijiyo, isla markaana loo xoojiyo Midnimada shacbi-weynaha Somaliland: Waxaan aamin-sanahay, in la qaybsado, hawsha, halabadda iyo hantida Qarankan, curdinka ah. waxaan aaminsanahay, in Beelaha iyo Bulshada Somaliland yihiin, kuwo siman oo leh xaq, xuquuq iyo xurmo isku mid ah. Waxaan aaminsanahay, in caddaaladdu tahay, waxa keliya ee ay ummadi ku walaaloobi karto, ama jiritaankeedu uu ku waari karo.

 

Walaalayaal,Waxaan gar u arkaa, in ay jid iyo daw tahay, in dhib iyo dheef la wadaago. Waxaan gar u arkaa, in wixii khaldamay la saxo. Waxaan gar u arkaa, in la dheeli tiro awood qaybsiga talada dalka. Waxaan gar u arkaa, in la idinka tiro, tabashada iyo turxaan kasta oo aad tirsanaysaan. Waxaan xal u arkaa, in loo baahan-yahay in dib u eegis lagu sameeyo, Saami-qaybsiga kuraasta baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, uu yeelan doono, mustaqbalka. Walaalayaal, mar labaad ayaan ku celinayaa, oo waxaan leeyahay, ma nihin, dad kala tagi kara, mana nihin dad kala tashan kara, ee waxaynu nahay dad isku dan, iyo isku dal ah. Waxaynu nahay, dad ka dhigan Sakaaradii la yidhi “Laba Tun, oo la kala qalo ma leh”.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxaan kula dardaarmayaa, Bulshada Somaliland in ay wada-tashadaan, oo isku-tashadaan, isla markaana ay adkeeyaan nabada, midnimada, kalsoonida iyo is-aaminka dhexdooda. Ugu dambayn, waxaan hambalyeynayaa, Xubnaha Guddidii wadahadalka laba geesoodka ahayd, ee ka kala socotay Jamhuuriyadda Somaliland iyo Khaatumo, kuwaas oo bud-dhig u ah guushan.   Sidoo kale, waxaan bogaadinayaa, Dr. Cali Khaliif Galaydh, oo muujiyey geesinimo iyo go’aan adayg, si uu u mideeyo dadka iyo dalka Somaliland.Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu dhammaanteen inoo dembi dhaafo. Waxaan ILAAHAY ka baryayaa, inuu tacabka, talada iyo tawfiiqda inoo Hagaajiyo.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply