Wasiirka Madaxtooyada oo ka warramay marxalado adag oo Laascaanood ka soo gudubtay

0
395

Laascaanood (Dawan) Wasiirka Wasaarada madaxtooyada Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ka hadlay isbeddelka  Xukuumadda Somaliland ka hirgalisay gobolka Sool iyo sida nabadda gobolkaasi  ay xasiliyeen.

Wasiiirka Madaxtooyada oo ka hadlay kulan weftiga madaxweynaha Somaliland uu  habeen hore Laascaanood kula  la yeeshay  cuqaasha iyo waxgaradka gobolka Sool.

 

“Ilaahay ayaa mahad leh caawa (habeen hore)  isu keen-keenay ujeeddada socdaalka Madaxweynaha waxa ugu weynaa mashaariicda  Madaxweynuhu uu furay iyo u kuur-galida hawlaha qaranka, gobolka Sool waxa run ah inuu yahay gobol xaga horumarka dib u dhac ka jiray, waxana sabab u ahaa colaadihii iyo dagaaladii gobolka ka jiray iyo amni darro,  waxa kaloo sabab u ahaa dawladda iyo dadweynaha oo kalsooni iyo aamin aanu dhexdooda oolin ama xidhiihdkooda oo aan wanaagsayeyn,”ayuu yidhi Wasiirku.

 

 

Wasiir Maxamuud Xaashi oo ka hadlayay isbeddelada ka dhacay gobolka Sool, waxa uu yidhi “Muddadii toddobada sanno ahayd ee Madaxweyne Siilaanyo iyo xisbiga KULMIYE, talada hayeen,  wax badan ayaa iska beddelay, waxa xaqiiq ah in hafdii aan wax iska beddelin aan Madaxweyne Siilanyo halkan Laascaanood fadhiyeen, halkanna kumaynaan cawayneen, waxa dhaba in gobolkan wax weyni iska beddelay, guusha iyo gallada waa la wadaagaa, haddii guul darro caawa Sool taalo weji aynu isku hor fadhinaa ma yaaleen,  farxadaa, kaftankaa iyo rayn-rayntaa dhexdeenna taalaa ma jirteen, Ilaahay ayaa ku mahadsan (SWT) caawa nabad ayey ku fadhinaa, inaga oo aan baqayn innaga oo aan werwerayn, magaalada koonaheedii ayeynu joognaa waana habeen.”

 

“Waxa jirtay wakhti iyadoo dharaar ah aan laysku iman jirin magaalada Laascaanood, oo hadhcad  aan lays aamini jirin, waxaan xasuusan nahay Madaxweynaha oo halkan yimid oo toban oday u yeedhay oo ay is qarinayaan, odayaashaasi inta Hudheel Xamdi la keeno ayay warbaahintana iska qarin jireen, waxa halkan maanta markaanu magaalada maraynay noo soo baxday in dadku ay xisbiyada kala taageersan yihiin, kuwo KULMIYE taageersan, kuwo WADDANI taageersan iyo qaar UCID taageersan, in bulshadu ay xisbiyada kala raacdaa waa isbeddel weyn. waxa magaalada qaybo badan oo kale ka muuqda, is bedel iyo dhismayaal, Nabadda, horumarka, iyo wanaaga dawladdnimada ayaa waxaas leh, waxa jirtay magaaladan oo laga yaaco oo la yidhaa ha ku soo noqon, oo qurbajooga la yidhaa Garoowe tag, ama god-aalo tag ama kala-baydh tag, shalay ayey ahayd.”

 

“Waxaas aynu ka soo doognay galadeeda Ilaahay  ayaa leh, marka labaadka waxa leh siyaasad qoto-dheer xukuumadda xisbiga KULMIYE ee Madaxweyne Siilanayo odayga u yahay oo shacbiga gobolka, odayaasha, cuqaasha iyo waxgaradka gobolku ay nalagula shaqeeyeen, bulshada in ayaa colaada waday, kuwana nabadda ayey wadeen, dagaal adag oo qadhaadh ayuu ahaa, waxa maanta guulaystay shacbiga, waxa guulaystay inteenii nabadda waday, inteenii wanaaga waday, inteenii dib u heshiisiinta waday, ciidamada Qaranku garab ayey noo ahaayeen, waxaanu boggaadinayaa oo u mahad-naqaynaa waayeelka, waxgaradka iyo cuqaashii nagala shaqeeyey nabadda, dib u heshiisiinta, ee shirarka badan ayaanu ku wada dib jirnay, tuulo-tuulo aanu dalka u maranay, waxa dhacday in riyadaasi ay xaqiiqo noqoto,”ayuu yidhi Wasiirka madaxtooyadu.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply