Booliska oo soo Bandhigay Gaadhi GT ah oo Lagu Dayacay Waddo Khaldan

0
414

Hargeysa (Dawan) Taliyaha ciidanka nabadgelyadda waddooyinka ee galbeedka Hargeysa, Kabtan  Maxamed Axmed Ismaaciil,  ayaa dirawladda  Hay’adaha dawladda ugu baaqay inay ilaaliyaan gaadiidka dawladda ee ay ku shaqeeyaan.

Taliyuhu waxa uu sheegay in shalay waddo khaldan  oo ku dhow hudheelka Imperial la dhigay baabuur GT  ah oo Surf,  lambarkiisuna ahaa 1754  oo inta la qufulay muddo dheer laga maqnaa. Waxaanu dirawalkii gaadhigaas ku sifeeyay qayrul masuul ku gefay sharciga waddo marista Somaliland.

 

Taliyuhu wuxuu xusay in ninkii gaadhigaas waday uu dayacay hantidii qaranka isla markaana  lagu sifayn karo qaadicul-dariiq.“Dirawaliinta waxaannu ugu baaqaynaa inaanay sida dirawalkani sameeyay  aanay ku dhaqmin.”

Waa markii koowaad ee taariikhda ciidanka waddooyinku ay shaaciyaan baabuur dawladeed oo ku gefay sharciga waddo marista.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply