Madaxweynaha Somaliland oo ugu Baaqay Shacbiga inay u Codeeyaan Murrashaxiinta Xisbal-xaakimka KULMIYE

0
401

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dadweynaha ku booriyay inay codkooda siiyaan murrashaxa madaxweynaha KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi oo uu ku tilmaamay Hoggaamiye dalka gaadhsiin kara himilooyinkii uu isagu bilaabay.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa kaloo uu  soo jeediyay in doorashada lagu galo nabadgelyo iyo deganaansho. Madaxweynaha Somaliland wuxuu sidaas ku sheegay khudbad dheer oo uu ka jeediyay fagaaraha Khayriyada magaalada Burco, halkaasi oo ay iskugu soo baxeen kumaan qof oo ka mid ah taageereyaasha xisbal-xaakimka.

Madaxweynuhu wuxuu shacbiga Togdheer uga mahad celiyay taageeradii ay la soo garab taagnaayeen muddada dheer xiligii uu mucaaridka ahaa iyo toddobadii sannadood ee uu talada waddanka hayayba. Khudbadiisa oo dhammaystirani waxay u dhignayd sidan:- “Dhammaan Taageerayaasha faraha badan, ee Xisbiga KULMIYE, ee isugu soo-baxay, Fagaaraha Khayriyada Burco, waxaan idiin soo gudbinayaa salaan Xambaarsan Nabadgelyo iyo Naxariis Eebe “Asalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu”. Mudanayaal iyo Marwooyin,Farxad weyn bay ii tahay, in aan saaka (Shalay), dib ugu soo noqdo goobtan, oo ay iigu dambaysay, wakhti aad u dheer. xasuus dheer, ayey igu leedahay khayriyadan Burco, oo aan Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye, wakhtiyo badan, oo kala duwan, kala hadli jiray, aniga oo ah Murrashax Madaxweyne. Eebe Mahaddii, maanta waxaan idin hor-joogaa, aniga oo ah Madaxweynihii Qarankan, isla markaana, aan naf-tayda cuud, cod iyo cudud toonna, idiinka rabin.

 

xilkan Madaxweyne, ee aan wareejin doono muddo yar ka dib, kuma iman xoog iyo xeelad toona. Hase-yeeshee, waxaan ku haaneeday codkii ay ii hibeeyeen Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE, ee Lixda Gobol Doorasho ee dalka, ku kala sugan. Dhacdadan taariikhiga ahi, waxay saamayn ku leedahay, noloshayda qayb ka mid ah, isla markaana maaha, mid aan abidkay ilaawi karo.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,Aniga oo munaasibaddan ka faa’iidaysanaya, waxaan jecelahay, in aan halkan uga mahadceliyo, Taageerayaashii habeen iyo maalin, muddada dheer,  hiilka iyo hooda, ila hareera taagnaa. Mar labaad,  waxaan si weyn ugu mahadcelinayaa dhammaan wax-garadkii, aqoonyahankii, waayeelkii, haweenkii iyo hal-doorkii Dhallinyarada, ee codkoodu suurtagaliyey, in uu KULMIYE guulaysto, isla markaana aan noqdo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

 

Sidoo kale, waxaan uga mahad-celinayaa, guud ahaan, shacbi-weynaha Somaliland, yuhuuntii, yididdiilladii, iskaashigii iyo wada-shaqayntii, ay isla barbar taageen xukuumadda Xisbiga KULMIYE, ee aan odayga u ahay.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin, Waa hubaal, in Xisbiga KULMIYE, uu ku guulaystay hoggaamintii talada dalka, muddadii uu dalka dawladda ka ahaa. Waxa hubaal ah, in Taageerayaashii noo codeeyey, aanay guul-daraysan, oo aanay is-ciil kaambiyeyn, isla markaana, aanay fartoodii marnaba hiifayn. Waxaan leeyahay, KULMIYE wuu guulaystay, dhammaanteenna waynu guulaysannay.

 

Duco-qabayaal, Waxa Lib idiinku filan, in aan taladiinii, iyo tacabkiinii midna aan lagu khasaarin. Waxa Lib idiinku filan, in Xukuumaddii Xisbigii aad doorateen, la mahadiyey.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,Abaalkii aad, aniga iyo Xisbiga KULMIYE u gasheen, waxaannu ku gudnay, in aanu dalkii ka hirgelinay horumar ballaadhan, iyo is-beddel laxaadle, oo sida cadceeda u ifaya. Waxaannu ciwad-celin idiinka dhignay, in aanu fulinay barnaamijkii Xisbiga KULMIYE, iyo ballamihii aanu idiin qaadnay. Waxaan leeyahay, Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE, sidii aad noogu listeen, ayaanu idiinku hambaynay.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin, Xilkii aad ii doorateen, waxaan ummadda Jamhuuriyadda Somaliland, aan ugu maamulay, si caddaalad, sinnaan iyo xaqsoor leh. Xaasha, Deegaan, deegaan kama xigsan, gobolna, gobol kale, kama jeclaysan, isla markaana, ma kala dhaweysan, intiinii ii codaysay, iyo intii iga codaysay. Waxaan dalka ku soo maamulay, muddadii aan qarankan, hoggaamiyaha ka ahaa, dulqaad, dad isku-wad, dan guud jacayl, dir-sooc la’aan, danaysi nacayb, iyo dareen odaynimo.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin, Dhawaan, waxa dalka ka dhici doonta, Doorashadii Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo lagu dooran doono, Madaxweynihii i beddeli lahaa, isla markaana Qarankan, hoggaamin lahaa shanta sanno ee soo-socota. Madhaxa iyo maxsuulka doorashadani, waa mid saamayn weyn ku leh, nolosha iyo mustaqbalka Shacabka iyo Muwaadiniinta Somaliland.

 

Sidaa darteed, waxa waajib ku ah, ruux kasta oo leh xaq cod-bixineed in uu u miidaan dayo codkiisa. Waxaan idiinku baaqaya, in aad doorashada ku gashaan nabadgelyo iyo deganaansho. Sidoo kale, waxaan idiinku baaqaya, in aad ixtiraamtaan aragtiyaha iyo afkaaraha idinka soo horjeeda.  Anigu, waxaan ummadda u dooray, in hogaamiyihii i beddeli lahaa, uu noqdo Murrashaxa  Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, kaas oo ah siyaasi waayo-arag ah, oo ay ku duugan tahay karti, hufnaan iyo aqoon badani.

Soomaalidu, waxay ku maahmaahdaa, Hebel, jid mala martay, jabad mala degtay, jidiin mala cuntay.  Haddaba, waxaan leeyahay, Muuse ciyaar iyo caadifad, midna kuma dooran, ee aqoon dheer baan u leeyahay, kow iyo soddonkii sannadood, ee noloshayda u dambeeyey, wuxuu ka mid ahaa raggii garabka iyo gaashaanka ii ahaa, ee igu gedaannaa. Muuse, waxaan la maray jid-dheer, oo waxaan la degay jabad,  oo xitaa ardaagii Geel-jirahana, wada seexannay. Sidoo kale, jidiinna wada cunnay, oo iska daa wax kale’e, jabad cidla ah, labadayada oo qudhi, annaga oo qatan afar caano-maal, hilib Sakaaro ku dubannay.

Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa dhammaan Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye, in ay si buuxda isu bar-bar taagaan, isla markaana u codeeyaan Murrashaxa  Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE. Waxaan aamin-sanahay, in Mudane, Muuse Biixi Cabdi uu yahay, hoggaamiyaha ugu habboon, ee halkaa ka sii wadi kara hiigsigii aan lahaa, iyo horumarka uu dalku u baahan-yahay mustaqbalka dhaw iyo ka dheer. Gallad Eebee Leh, Guulna Somaliland baa Leh.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply