Somaliland: Kalkaaliso 22 Kun oo Carruur ahi ku Dhasheen Cusbitaalkeeda

0
654

London (Dawan)- Wargeyska Express.co.uk, ayaa warbixin xiiso badan ka qoray shalay Dr. Edna Aadan Ismaaciil oo uu ka kaga hadlay  sooyaalkeedii nololeed iyo himilooyinkeedii.

Wargeysku  wuxuu qoraalkaas ciwaan uga dhigay “Kalkaaliso London wax ku baratay oo hooyooyinkood ka umulisay    22 kun oo carruur ah.” Warbixintan waxa soo akhriyay oo warkan ka diyaariyay Tifaftiraha guud ee Wargeyska Dawan, Cumar Maxamed Faarax.

“Sannadkii 2002-dii ayay Edna Aadan ku guulaysatay himiladeedii, waxaanay ka  furtay Somaliland  cusbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee Edna Aadan.15-kii sannadood ee uu furnaa cusbitaalkani waxa ku dhashay 22,000 oo carruur ah.

“Ilmihii u horreeyay wuxuu cusbitaalka ku dhashay siddeed saacadood kadib markii la furay,”ayay tidhi Marwo Edna Aadan, waxaanay intaas ku dartay; “Waxaan galiyay noloshayda oo dhan sidii aan u dhisi lahaa cusbitaalkan.”

Dr. Edna waxay tilmaantay  in aabaheed oo dhakhtar ahaa uu sababay inay jeclaato xirfada  caafimaadka. “Waxaan la joogi jiray cusbitaalka oo aan caawin jiray, wuxuu ahaa qof hal-door ah  oo aanan waligay iloobayn naxariistiisii iyo sidii uu ahaa,”ayay tidhi Marwo Edna oo deeq waxbarasho ku timid London kontonaadkii.

Edna Aadan waxay ku noolayd Ingiriiska toddoba sannadood, waxaanay ahayd gabadhii u horreysay ee Soomaaliya ah ee  wax ku barata Ingiriiska, taasi oo ay aad ugu hanweynayd.

Sannadkii 1961, ayay dib ugu laabatay dalkeedii hooyo iyadoo ahayd   kalkaaliso caafimaad iyo umulisadii u horraysay ee waddankeeda ka jirtay. Waxa kale oo ay noqotay gabadhii u horreysay ee qaadatay liisanka dirawalnimada, waxaanay tidhi; “Waxaan jecelahay kalkaalisonimada, waxaanan  u soo saaray dalkayga  kalkaaliyeyaal  iyo umulisooyin badan. xilligan qoysaska ayaa ii yimaada oo igu yidhaahda ‘waxaanu doonaynaa inay hablahayagu noqdaan adigoo kale.”

Waxay guursatay saddex jeer, ninkeedii u horeeyayna wuxuu ahaan jiray Ra’iisul-wasaarihii Soomaaliya, Maxamed X. Ibraahim Cigaal.

Marwo Edna oo siddeetan jir ahi,  waxay noqotay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland muddadii u dhexaysay 2003 ilaa 2006.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply