Xisbiga KULMIYE oo Dhoolla-tus Ballaadhan ku Bilaabay Ololihiisa Gobollada Dalka

0
433

Hargeysa (Dawan)- Xisbiga  midnimada iyo horumarka Somaliland ee KULMIYE, ayaa dhoolla-tuska layaab leh ku bilaabay maalinta koowaad ee ololihiisa ku bilaabay ee Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland.

Kumannaan ku dhaqan magaalada Hargeysa oo ka mid ah taageerayaasha xisbul-xaakimka KULMIYE oo isugu jira dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida waayeelka, dhallinyarada iyo haweenka oo ka kala yimi dhammaan degmooyinka kala duwan ee ay ka kooban tahay caasimaddu, ayaa isugu soo baxay fagaaraha Beerta Xorriyadda, kuwaas oo lulaya astaamaha xisbiga, islamarkaana qaarkood qaybo jidhkooda ka mid ah ku xardheen astaanka xisbiga KULMIYE waxay subaxii hore ee shalay isagu soo, fagaaraha Beerta Xorriyadda oo ay kala qaybgaleen madaxda KULMIYE oo uu hormood u yahay Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, xubno kale oo hoggaanka xisbiga ka mid ah, wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo guddida ololaha KULMIYE ee gobolka Maroodijeex, iyada oo halkaas laga jeediyey hadallo lagu guubaabinayo taageerayaasha, looguna mahadcelinayo isu soo baxooda iyo taageerada ay xisbiga u muujiyeen.

Guddoomiyaha Gobolka ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Iid Dhimbiil, Guddoomiyaha Ololaha KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex Md. Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe iyo Maayarka caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa khudbado kooban oo ay halkaasi ka jeediyeen uga mahadceliyey shacabka Hargeysa sida ay u muujiyeen taageerada laxaadka leh ee xisbiga.

Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi iyo suxufiga caanka ah ee Yoonis Cali Nuur, ayaa ku guubaabiyey taageerayaasha KULMIYE inay maalinta codka ku hubsadaan xisbigooda iyo murrashaxiintiisa.

Siyaasiga ruug-caddaaga ah ee reer Somaliland, kana mid ah xisbiga KULMIYE Amb. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo hadal quluubta taageerayaasha KULMIYE si weyn u soo jiitay halkaas ka jeediyey, ayaa si weyn u ammaanay hawlkarnimada iyo iyo sida uu u yahay mid caddaaladda ummadda ka shaqayn doona haddii uu hoggaanka dalka qabto, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxaan aad ugu faraxsanahay taageerada laxaadka leh ee aad murrashaxeenna Muuse Biixi u muujiseen, midna ogaada oo codka aynu maanta siino murrashax Muuse Biixi waa hiil ummadeed, dariiq dheer oo xannuunkiisa lehna waynu soo marnay, laakiin maanta meel fiican baynu soo gaadhay, bani’aadamkuna had iyo jeer waxa uu haysto ma arko’e waxa qabyada ah ee ka maqan buu arkaa, maantana umaddeenu sinnaan, caddaalad, xaqsoor iyo midnimo ayey u baahan tahay, intaba waxa dammiin ka ah Muuse Biixi.”

Ambassador Cawil oo hadalkiisa sii wata waxa uu carrabka ku ballaadhiyey inuu murrash Muuse Biixi yahay yahay siyaasi hayin ah oo dalka wax badan soo gashaday, isla markaana naftiisa u huray waqti uu dhallinyaro ahaa, “Weligayba danta ummaddu meesha ay ku jirto caad igama fuulin, imikana waxa aynu gelaynaa marxaladdii ugu cuslayd shanta sanno ee soo socda, waxaana aynu u baahanahay madaxweyne go’aan qaadan kara, isku kalsoon, dalka wax gashaday oo naftiisa huray, dalkana meel gaadhsiin kara, ninkaasina waa Muuse Biixi Cabdi, umaddana in Muuse Biixi oo isaga oo dhallinyaro ah dalka naftiisa u huray inaan la simaa waa dembi weyn,” ayuu yidhi Ambassador Cawil.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa taageerayaasha KULMIYE ee ku dhaqan caasimadda Hargeysa ku bogaadiyey sida xamaasadda leh ee ay isugu soo baxeen, waxaannu sheegay inay shacabka reer Maroodi-jeex caan ku yihiin taageerada KULMIYE, kuna suntan yihiin guulihii uu KULMIYE kasoo hoyn jiray doorashooyinkii kala duwanaa ee dalka ka qabsoomay, waxaannu yidhi, “Reer Maroodi-jeex waxaannu ugaga mahadnaqaynaa intii doorashooyin Somaliland la galay mar walba  codkooda waxay siin jireen xisbiga KULMIYE, maantana intii iyo in ka badan baanu idinka sugaynaa, waynu is ahayn oo hore ayaad abaal u gasheen oo aad dawladdan u dhisteen, ta dambena inaad dhistaan baanu idinka  sugaynaa.”

Murrashax Muuse Biixi waxa uu baaq u diray dhammaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxaannu hogo-tusaaleeyey qorshe ay si fudud ugu heli karaan goobta ay ka codayn doonaan maalinta codaynta, “Dhammaanba muwaadiniinta codka bixinaysa waxa laga yaabaa inaanay goobtii hore ku noqonin, maadaama oo ay tiradii badatay, qof walbana kaadhkiisa ayey ku qoran tahay dhabarkiisa halka uu tegi doonaa, dhallinyarada wax akhridana waxaan ka codsanayaa  dadka waaweyn iyo waayeelkaba inta aanay kaxaynin ha eegaan goobta kaadhkooda ku qaran, sidii diiwaangelintiina yaan la wareerine qof waliba kaadhkiisa ha eego,” ayuu yidhi murrashax Muuse Biixi Cabdi.

 

Burco

Fagaaraha Khayriyada ee Magaalada Burco oo ay Subaxdii hore ee Shalay buux-dhaafiyeen Kumanaan Qof oo ka mid ah Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE, ayaa waxa ka qayb-galay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo labadii Maalmood ee u dambeeyay halkaa safar ku joogay, Wasiirro iyo Madax sar-sare oo ka mid ah Xisbiga KULMIYE.

Ka sakow Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE ee taageerayaasha kala hadlay Fagaaraha Khayriyada Burco, waxa isaguna Khudbad dheer oo Miisaan leh ka soo jeediyey Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo.

 

Ceerigaabo

Shacabka ku dhaqan magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, ayaa isu soo baxyo ballaadhan oo aan kala hadh lahayn ku muujiyey taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa, shalay oo ku beegnayd maalinta koowaad ee ololaha xisbiga KULMIYE.

Isu soo bax ballaadhan oo ay taageerayaasha KULMIYE ee magaalada Ceerigaabo ku muujiyeen taageerada ay KULMIYE u hayaan iyo sida ay ugu heellan yihiin, ayaa waxa kala qaybgalay madaxda gobolka u qaabilsan xukuumadda iyo xisbiga, guddida gobolka ee ololaha KULMIYE, xildhibaanno, wasiirro, siyaasiyiin iyo haldoor kale oo gobolka kamid ah, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu bogaadiyey sida habsamida leh ee ay taageerayaasha KULMIYE isu abaabuleen, laguna dhiirrigeliyey inay u diyaar garoobaan maalinta codaynta.

Xubno kamid ah guddida ololaha ee gobolka, ayaa hadallo quluubta shacabka taabtay u jeediyey kumanaan shacab ah oo taageerada KULMIYE ku weyn tahay, isla markaana jidhkooda kusoo sharraxay astaanta xisbiga KULMIYE.

Laascaanood

Kumanaan kamid ah taageerayaasha xisbiga midnimada iyo horumarka ee KULMIYE ee ku dhaqan caasimadda gobolka Sool ee Laascaanood, ayaa isu soo bax ballaadhan oo ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan KULMIYE ku daah-furay ololaha xisbiga KULMIYE oo shalay si rasmi ah uga bilaabmay guud ahaanba dalka Somaliland.

Isu soo baxa ay taageerayaasha KULMIYE ee magaalada Laascaanood ku muujinayeen taageerada ay KULMIYE u hayaan iyo sida ay uga go’an tahay inay codkooda ku garab galaan murrashaxiinta KULMIYE, ayaa waxa kala qaybgalay wefti ballaadhan oo xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ka socda, kuwaas oo ay kamid yihiin guddoomiyaha golaha wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax, guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE Md. Xuseen Aadan Cadde, wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Md. Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon, wasiiru-dawlaha wasaaradda Beeraha Md. Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, hoggaanka guddida ololaha gobolka Sool ee xisbiga KULMIYE iyo saraakiil kale.

Masuuliyiintan, ayaa hadallo ay ugu hambalyeeyeen taageerayaasha isu soo baxay u jeediyey, waxana ay kula dardaarmeen inay sii laba jibaaraan taageerada ay xisbiga u hayaan.

 

Berbera

Xisbiga KULMIYE, ayaa Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ku soo bandhigay Cududda taageero ee uu halkaa ku leeyahay.Kumanaan taageerayaasha Xisbigaasi ah oo ku lebisan Calanka KULMIYE ayaa Socod-dheer oo ay ku mareen Waddooyinka Magaaladaasi Subaxdii hore ee Shalay ka dib, waxay iskugu yimaaddeen Fagaaraha Khayriyada ee Magaalada Berbera, waxaana halkaasi kala hadlay Wasiirro iyo Masuuliyiin Xisbiga ka mid ah oo uu hoggaaminayey Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee KULMIYE Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed.

“Waataa Berbera ee nala eega, Berbera waa KULMIYE, waxaanuna Hubnaa in ugu yaraan 85% Codadka Dadweynaha uu ka helayo” ayay tidhi, Rooda Axmed Yaasiin oo ka mid ah Guddiga Ololaha Doorashada Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Saaxil.

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirro halkaasi kula hadlay Dadweynaha ayaa uga Mahad-naqay siday iskugu soo baxeen, iyagoo sidoo kalena ku dardaaray inay u codeeyaan KULMIYE Maalinta Doorashada.

Gabiley

Waxaa  Subaxdii horeba buux-dhaafiyey Fagaaraha Beerta Xorriyadda Kumanaan Taageerayaal ah oo sitay kuna lebisnaa Calanka KULMIYE.

Dadweynahan KULMIYE taabacsan waxa Isku soo baxooda kala qayb-galay Masuuliyiin badan oo ka mid ah Xisbiga oo ay ka mid yihiin Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, Cali-guray, Wasiirro Xukuumadda ka mid ah, Maamulka Gobolka iyo ka Degmada Gabiley.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ah Saraakiisha KULMIYE oo Halkaa ka soo jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay ayaa yidhi “Xumaani kama dhaxayso, Colaadi kama dhaxayso (Musharraxiinta Xisbiyada), laakiin Tartan Xalaal ah ayaa ka dhexeeya, waa sida Kubad la wada Ciyaarayo oo la kala badinayo, oo Cidda badisa in Guusha loo haneeyo la ogol-yahay. Dhammaanteen Somaliland ayaynu wada ilaashanaynaa, Qofka ay doonana Codkeena ayaynu siinaynaa..”

Mudane Samaale oo la hadlaya Taageerayaasha KULMIYE ee Gabiley iskugu soo baxay ayaa waydiiyey “Yaynu Codka siinaynaa”.? Waxayna Taageerayaashu Su’aasha kaga jawaabeen ‘KULMIYE’.

Ugu dambayn, sidaasi oo kale ayaa Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag waxa Shalay Iskugu soo baxay Kumanaan Qof oo ka mid ah taageerayaasha KULMIYE, kuwaasi oo Fagaaraha Beerta Xorriyadda ku muujiyey Cududdooda.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply