Qisada: “Laabta Barbaro ayaa Kaaga Jirta”

0
417

Matovu  waa nin u dhashay dalka Uganda waxana xanuun xoog leh ka daremay laabta.  Matovue wuxuu tegay Isbitaalka Mulago ee dalkaasi si uu baadhid isugu sameeyo.  Markii baadhistii shaybaadhka ay soo baxday, iyo sawirkii Xray-ga waxa dhakhtarku u sheegay in xanuunka hayaa uu yahay mid aad u weyn oo u baahan  qaliin laabta ah.

Matovu oo aad u naxay ayaa weydiiyay xanuunka haya. Waaana uu dhakhtarku u sheegay in laabtiisa ay ku jirto Barabaro oo aan weliba halkan lagu dawayn karayn.

Waxaana uu kula taliyaya inuu dalka Hindiya tago isagoo u sheegay inay dalkaasi u wanaagsan yahay. Matovu wuxu u duulay dalka Hinidiya si baadhistaasi laoogu sameeyo isagoo niyad jabsan.  Dhakhtarkii markii uu baadhistii shaybaadhka iyo sawirka X-ray ka qaaday ayaa u sheegay in aanu waxba qabin isla markaan Xrayg- soo saaray in laabtiisu aad u wanaagsan tahay. Laakin Matovu ayaa markiiba soo saaray X-rayg, waxaana uu u sheegay in laabtiisa loo sheegay inay Baranbaro ku jirto.

Dhakhtarka ayaa isaguna u cadeeyay oo ku yidhi “ saaxiib laabtaad kuma jirto Baranbaro ee Xrayga ayay ku jirtay. Waa in si fiican loo hubiyaa  in qalabka baadhista uu nadiif yahay

 

 

Leave a Reply