Qiso: Sabirka Iyo Dadaalka Ayuu Maalqabeen Ku Noday!

0
803

Ramesh Babu Isagoo taariikhadiisa ka waramaya waxa uu yidhi “ Anigu waxaa ka dhashay qoys sabool ah , aabahay wuxu ahaa Tima jare, waxaana uu dhintay sanadkii 1979, wakhtigaasi oo aan anigu ahaa 7 jir keliya.  Hooyaday ayaa bilowday inay noqoto Jaariyada guryaha ka shaqaysa si ay u daboosho baahidaya.

Aabahay wuxu ka dhintay dukaan Rayiisle oo ku taallay dariiqa Brigade Road , oo wakhtigaasina uu adeerkay maamulayay, waxaana uu na siin jiray maalin kasta 5 repees. Shanta rupees maalmahaas aad ayay uga yaraayeen inay daboolaan baahida nolosha iyo tan waxbarasho ee aniga, walaalkay iyo walaashay, sidaa hal wakhti oo keliya ayaan wax cuni jiray si aanan u dhiman. Ilaa markii aan dhiganayay dugsiga dhexe shaqooyin kala duwan oo adag ayaa qaban jiray kuwaasi oo aan ka heli jiray dakhli kooban.

Waxaan uu qaadi jiray wargeysyada oo aan qaybin jiray , quraaradaha caanah oo meelaha looga baaha yahay dhigi jiray si aan uga yareeyo culayska hooyaday. Sidaasi ayaa ku dhamaystay waxbarashadii fasalka tobanaad.

Sagashanaadkii ayay hooyaday iyo adeerkay uu dhex maray dagaal  adagi isauna wuxu si fudud u joojiyay

Leave a Reply