Wuxu Rabay Inuu Dhinto!

0
386

Markii Brryan  Jackson hooyadii ay aabihii iska furtay wuxu jiray 11 bilood oo keliya, sanadkii 1992, waxaana hooyadii ay doonaysay in hantida la qaybsato aabihii , taasi oo markii ay kala tegeen , badhkeedii la siiyay sida sharciga Maraykanku dhigayo.

Aabihii ayaa aad u cadhooday waxaan uu wiilkaasi yar ku muday irbad xanuunka AIDS-ka ah isagoo doonayay inuu wiilku ka dhinto. Wiilkaasi ayaa xanuun ka bixi waayay oo loo sheegay hooyadiina inuu dhimanayo shan sano ka dib.

Laakiin daawooyin badan oo la siiyay weli wuu nool yahay. Sanadkii 1996 xataa mar baadhis lagu sameeyay dhakhtarku wuxu sheegay in 5 bilood ka dib uu dhiman doono.

Sanadkii 2016 oo dib loo baadhay isagoo 24 sano jiray ayuu dhakhtarku sheegay in xanuunkii AIDSKA aanu dhigiisa ku jrina oo uu ka baxay. Waxase uu u geystay dhibaato weyn oo ah in maqalkiisu lumo oo uu maanat yahay qof dhegoole ah.

Aabihii ayaa la yaaban sida uu u dhiman waayay. Waxaana qofku dhinta marka xaga Allah (sw) ay ka dhamaato.

Brryan waa uu guursaday waxaana uu noqday xaas wakhtiga.

Leave a Reply