Dufcadii u Horreysay ee Goob-joogeyaasha Caalmka oo soo Gaadhay Dalka

0
407

Hargeysa(Dawan)- Xubinihii  ugu horreeyay Goobjoogayaasha Caalamiga ee  Doorashada madaxtooyada Somaliland,  ayaa  soo gaadhay dalka. Waxa kaloo la sheegay in ay goobjoogeyaasha inta hadhay ay iman doonto bisha November, si ay markhaati uga noqdaan doorashada madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoomaya 13 November 2017.

War-saxaafadeed Goobjoogeyaasha caalamku soo saareen ayaa lagu sheegay in goobjoogayaashan oo tiradoodu gaadhayso 60 xubnood, kana kooban 24 waddan oo caalamka ah iman doonaan 8 November dalka.

Mr. Micheal Wills oo hoggaaminaya hawlaha Goobjoogayaaasha Caalamka ee Doorashada oo shalay ka hadlayey xarunta Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa ka warramay shaqadooda, waxaannu yidhi; “Doorashooyinka si weyn ayaa loogu tartamaa, taasoo u baahan in dhexdhexaadnimo goobjoogayaashu u kormeeraan una ilaaliyaan codadka dhamaan daneeyeyaasha.”

Qoraalkooda wuxuu u qornaa sidan:-  “Kahor doorashada madaxtinimada 3aad ee Nov 13, xubintii ugu horreeyay ee Goobjoogayaasha Caalamiga ah  ayaa soo gaadhay  Somaliland.

Goobjoogayaaasha Caalamka ee Doorashada Somaliland waxa soo martiqaaday Komishanka Doorashooyinka Somaliland, waxaana  maalgelisay dawladda  Ingiriiska. Goobjoogayaasha Caalamka ayaa hawlahoodu u gudan doona si waafaqsan axdiga goobjoogayaasha dooraashooyinka caalamka, oo ugu horreyso dhexdhexaadnimada hawlgudashadooda.

Goobjoogayaasha Caalamka ayey hoggaamianysaa waaxda Qorsheynta ee jaamacada London College (UCL), oo isku xidhaya hawlaha kooxdani qabanayso, oo ugu horreyso qiimaynta heerka ololayaasha, oo ay  ku jirto sida saddexda xisbi fursad ugu helaan saxaafadda.”

 

Kooxahan oo lagu kala qeybin doono goobaha codeynta ee lixda gobol qaarkood ayaa warbixintooda ugu dambaysa soo saari doona horaanta sannadka dambe 2018. Geesta kalena, Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Somaliland, Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa weftigan ku soo dhaweeyay xaruntooda. Waxaanu intaas ku daray inay soo dhaweynayaan hawlaha ay qabanayaan oo uu ku dooday inay ahmiyad u leedahay waddanka Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply