Qiso: Wanaagga Aad Samayso Abaalkiisa!

0
457

Phil Knight oo ah ninka leh shirkadda weyn ee Kabaha iyo dharka samaysa ee Nike ee dalka Maraykanka ayaa sanadkii 1971 codsi u gudbiyay dadka iyo shirkadaha farshaxanka si ay ugu sameeyaan calaamadda ganacsiga ee shirkadda “Logo”.

Shirkadda oo wakhtigaasi aad hoos ugu dhacay dakhligeedu  isla markaana aan haysan lacag cadaan ah ayuu Mr.Phil sheegay in uu siin doono saacaddii $ 2 shirkadda ama qofka u sameeya, iyadoo weliba uu raaciyay in ay dayn noqon doonto maadaama shirkaddu aanay wakhtigan haysan lacag cash ah. Dhamaan shirkadaha farshaxanku way iska diideen iyadoo lacagta $ 2 aad ula yaabay ee haddana amaahda laga dhigay.

 

Laakiin gabadh lagu magacaabo Carolyn Davidson oo qaybta farshaxanka “ Graphic Design” ka baran jirtay Jaamacadda Portland state University ayaa la kulantay Phil oo aad u werweraya waxayna u sheegtay inay iyadu ku samayn doonto $ 2 saacadiiba. Gabadhaasi ayay ku qaadatay samaaynta Logo-da shirkaddu muddo 17 saacadood ah.

 

Markii ay dhamaysay wuxuu u qoray jeeg $ 34 oo amaaha, isagoo u sheegay in aanay wakhtigan Baanka lacagi ugu jirin, lana siin doono marka ay lacag dhigtaan. Calaamaddaasi waa kuwa maanta ugu caansan uguna quruxda badan dunida. Sanadkii 1983 oo shirkada Nike dakhligeedu heer aad u sareeya gaadhay ayuu Phil gabadhii Logada u samaysay u yeedhay waxaana uu siiyay Logada calaamadda shirkadda oo dahab laga sameeyay, isla markaana waxa uu shirkadda ugu daray hal saami (share ) oo uu siiyay oo uu abaal marin uga dhigay iyadoo wakhtigii xaalku ku xumaa wanaag iyo abaal u gashay.  Shirkadda ayaa sanadkii 2015 heshay faa’iido dhan 273 billion (2015). Wanaagga aad samayso abaalkiisa waad helaysaa.

 

Leave a Reply