Sawir Gacmeedka Dunida Ugu Qaalisan!

0
436

Kaadhka loo yaqaan Card Players, waa sawir gacmeed saliida laga sameeyo oo uu curiyay ninkii Faransiiska ahaa ee sawir gacmeedka aadka u yaqaanay Paul Cesanne sanadkii 1890.  Sanad kasta waxa la soo bandhigaa sawir kaasi oo lagu iibiyo qiimo aad qaali u ah, waxaana iibsada madaxda iyo qoysaska maalqabeenka ah iyagoo uga jeeda keliya faan iyo is muujin. Sawirka kuu muuqda waa ka ugu qaalisan ee la iibsaday sanadkii 2011, waxaana iibsaday qoyska boqortooyada dalka Qadar iyadoo qiimaha laga siiyay dhamayd lacag u dhaxaysa 250- 300 Milyan oo doller.  Qoysku waxay u iibsadeen keliya xarago, faan iyo in la amaano.

Leave a Reply