Wadan Afrikan Ah Oo Noqday Wadankii Ugu Horeeyey Ee Wasaarad Gaar Ah U Sameeya Baraha Internet-ka

0
428

mid kamid ah wadamada Afrika ee loogu nacaybka badan yahay wadamada Reer Galbeedka ayaa sameeyey wasaarad cusub oo aan dunnida ka jirin, taas oo loogu talo galay inay la socoto baraha ay bulshadu ku kulanto ee Internet-ka.

Dawlada Zimbabwe ayaa yeelatay wasaarad ilaalin doonta lana socon doonta baraha Internet-ka , iyada oo uu wasaaraddasi magcaabay madaxweynaha dalkaasi Zimbabwe Robert Mugabe , iyada oo noqotay wasaarad ku cusub dunnida.

Qoraal lagu dabaacay wargeyska Daily Mail oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan ayaa lagu sheegay in wasaaraddani ay ka ilaalin doonto wadankaasi khataraha amni ee wadankaasi ku iman karta iyo waxyaalaha lagu qabto.

Dawlada ayaa taxadar badan ka yeelatay sida warbixintaasi lagu sheegay baraha internet-ka ee bulshaddu ku kulanto, kadib markii uu wadaad baaderi ah oo dalkaasi ku nooli sameeyey bar  ay bulshadu ku kulanto oo lagu magcaabo This Flag , taas oo lagu abaabulay dhaq dhaqaaqyo xukumada dalkaasi sas ka qaaday.

Kooxaha uu wadadkani soo ururiyey ayaa muddo haraadyo ka dhigay magaalooyin badan oo kamid ah dalkaasi, iyada oo ay ugu dambaysay wadankaasi wax muddo haraad ahi muddo laga joogo 10 sanno, waxaana taasi indhaha xukumada kusoo jeedisay baraha bulshadu ku kulanto ee Internet-ka, gaar ahaana Twitter-ka iyo Facebook-ga.

Afhayeenka madaxweynaha dalkaasi oo lagu magcaabo  George  Charamba ayaa mar uu ka hadlaayey wasaaraddaasi waxa uu sheegay in xukumada madaxweyne Mugabe samaysay wasaaraddan iyada oo doonaysa inay ka hor tagto khataraha kaga iman kara dalkaasi dhinaca baraha bulshada ee Internet-ka .

Sida ay sheegtay hay’adda dhinaca isgaadhsiinta ee loo soo gaabiyo ITU waxa muddooyinkii ugu dambeeyey kor u kacay isticmaalka baraha bulshada ee wadankaasi, isaga oo gaadhey 46%, taas oo khatar badan ku ah dawlada dalkaasi oo ay dagaalo kala duwani kaga furan yihiin dadka reer Galbeedka ah.

Shakhsiyaadka dawlada Zimbabwe mucaaridka ku ah ee ku nool wadankaasi dibadiisa ayaa isticmaala  Website-yo kala duwan oo dalkaasi gudihiisa laga akhristo, kuwaas oo intooda badani qora waxyaalo dawlada lidi ku ah ama aanay jeclaysan .

Dawladan Zimbabwe ayaa noqotay dawladii ugu horeysay ee dunnida samaysa wasaarad u xil saaran baraha ay bulshadu ku kulanto ee Internet-ka , taas oo la soconaysa dhaq dhaqaaqa barahaasi ka socda.

Leave a Reply