Wiil Yar Oo Maalqabeen Ah

0
428

Macaulay Culkin wuxu ahaa  wiil  Maraykan ah oo aad u yaraa, waxaana uu dhashay sanadkii 1980, markii u caanka noqday da’diisu waxay ahayd 10 sano. Culkin waxa uu caan ku noqday inuu metelo isagoo yar filimada caruurta iyo qoyska. Sanadkii 1990 isaga oo 10 sano jiray ayuu jilaa ka ahaa filimka Home Alone oo ah filimada loogu talo galay madaadalada iyo qosolka qoysaska ( Dumarka iyo caruurta) xaasaska, wakhtigaasi ayuu aad caan u noqday.

Markii u metelaadii ugu horaysay sameeyay waxa la siiyay abaal marin dhan $ 100 kun oo doller, laakiin markii qaybtiisa labaad ee filimka xaaska iyo caruurta loogu talo galay uu metelay waxa uu qaatay lacag dhan 4 milyan oo doller, sidaasi ayuu ku noqday wiilka da’da yar ee maalqabeenka ah , isla markaana caanka ah ee laga xiiseyo TV-yada, marka uu soo galo.   Wiilkan yar ee Culkin ayaa lagu daray liiska (VH1) boqolka xidigaha caruurta caalamka iyo weliba liiska 50-ka caruurta ee dunida ugu wanaagsan dhinaca maskaxda iyo kartida.

oo doller, sidaasi ayuu ku noqday wiilka da’da yar ee maalqabeenka ah , isla markaana caanka ah ee laga xiiseyo TV-yada, marka uu soo galo.   Wiilkan yar ee Culkin ayaa lagu daray liiska (VH1) boqolka xidigaha caruurta caalamka iyo weliba liiska 50-ka caruurta ee dunida ugu wanaagsan dhinaca maskaxda iyo kartida.

Leave a Reply