Xisbiga UCID oo Ololihiisii Shalay u Beddelay Sadaqad ay ku Qaybiyeen Gobollada Dalka

0
394

Hargaysa (Dawan)- Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka Somaliland ee UCID, ayaa maalintiisii saddexaad ee ololaha doorashada madaxtooyada,   shalay  u beddelay taakulo ay gadhsiiyeen cusbitaalada, dadka danyarta ah iyo masaajidyada.

Sida uu hore u iclaamiyay Murrashaxa madaxweynaha ahna guddoomiyaha xisbigaasi Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa  caawimooyin kala duwan ku qaybiyay gobollada  Hargeysa, Awdal, Maroodijeex, Sool,  Togdheer  iyo degaamadda  Baligubadle, Sallaxley iyo meelo kale.

Murrashax Faysal Cali Waraabe oo uu weheliyay  murrashaxa  madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cabdi Muuse (Ebyan)  iyo masuuliyiin kale oo  habeen hore u hoyday magaalada Baligubadle   ayaa taakulo ka qaybiyay magaalooyinka Boorama, Baligubadle, Burco, Hargaysa iyo Salaxley.

Faysal Cali Waraabe,  la hadlay taageereyaashiisa Baligubadle, ayaa  u balanqaaday in ay waxyaabo badan ka qaban doonaan baahiyaha bulshada haddii ay ku guulaystaan doorashada, waxaanu yidhi; “Caafimaad baanu keenaynaa, waxaannu  Baligubadle ka dhisi doonaa iskuul  boodhin ah, si ay uga soo  baxaan degaankani dad aqoon lihi.”

 

Waxaanay soo mareen weftigan musharaxa madaxweynaha UCID hogaaminayay degaamadda Balicabane, Gumar, Kaabadda iyo Aadan Abokor. Iyadoo dhammaanba jiidahaas  si weyn loogu soo dhaweeyay. Waxaanay dadweynihii soo dhaweeyay u sharraxeen barnaamijkooda siyaasadeed.

 

Murrashaxa  madaxweyne ku-xigeenka UCID oo isna halkaasi ka hadlay  ayaa ku amaanay bulshada degaankaasi sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen iyo taageerada ay u muujiyeen.

Sidoo kale weftigan ka socday xisbiga UCID waxay isla shalay soo mareen degmada Salaxley ee gobolka Maroodijeex,  halkaasi oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyay. Eng. Faysal oo fagaare kala hadlay taageereyaashiisa, ayaa  sheegay in meelaha ay doonayaan in ay wax ka qabtaan haddii ay talada dalka ku guulaystaan ay ka mid yihiin dhaqaalaha, waxbarashada, biyaha, caafimaadka iyo meelo kale. Waxaannu  yidhi;  “Waad ku mahadsan tihiin sida wanaagsan ee aad noo soo dhawayseen. Waxaan doonayaa in aan idiin sheego waxyaabaha aan dalka ka qaban doono haddii aanu talada ku guulaysano, dalkeenna baylah badan ayaa ka jirta, oo degaankeennii xaaluf ayuu noqday oo geedihii ayaa Dhuxul laga  shiday, xoolihiina way dhamaadeen markii wax ay cunaan ay waayeen.

Si aan  taas uga hor tagno, waxaan doonaynaa in aanu biyaha roobka qabano oo aanay wadooyinka jeexmay raacin ee ay hakadaan. Waxaanu doonaynaa in aanu dadkeenu biyaha wasakhaysan cabin ee ay helaan dadka Somaliland helaan biyo nadiif ah. waxa daacuunka laga qaadaa waa biyaha aan nadiifta ahayn ee ay dadkeenu cabayaan.”

“Miisaaniyadda dalka 17% ayaanu waxbarashadda gelin doonaa haddii aanu xukunka ku guulaysano. Qof kastoo reer Somaliland ahi in uu tacliin hello ayaanu xooga saaraynaa. Waxanu doonaynaa in aanu ciidamadda dalka tayadoodda kor u qaadno. Wadooyinka dalkoo dhan in aanu isku xidhno ayaanu doonaynaa muddo toban sanadood ah, waanad og tihiin oo reer qudha kelidii waddo ma dhisi karro,”ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

Boorame:

Geesta kale masuuliyiinta  xisbiga UCID ee gobolka Awdal ayaa deeq calageed oo dhamayd $5000 dollar waxay ku wareejiyeen culimadda  masaajidka Al Madiinna    ee magaaladda Boorama.   Waxaana wareejinta lacagtaasi  caawimadda ah goob joog ka ahaa guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah ee xisbiga UCID C/naasir Xasan Buuni, guddoomiyaha gobolka Awdal ee UCID iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah ee UCID C/naasir Buuni, oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay lacagtan ay ku caawiyeen masaajidka Al Madiinna Boorama. Waxaanu yidhi “Waxaa loogu tallo galay lacagtani in gogol loogu soo iibiyo masaajidkan, si looga bedello gogoshii hore ee masaajidkan taalay”.

Sidoo kale masuuliyiinta heer gobol iyo degmo ee xisbiga UCID oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ololahoodii ay  u bedeleen caawinta dadka jilicsan iyo masaajidadda, isla markaana ay dalka ka qaybinayaan sadaqooyin iyo xoolo nool oo dadka bukaanka ah ee cusbitaaladda ku jira loo qali doono.

 

Hargaysa:

Sidoo kale masuuliyiinta gobolka Maroodijeex ee xisbiga UCID ayaa shalay deeq xoolo nool ah gaadhsiiyay cusbitaalka guud, cusbitaalka TB-da iyo dadka danyarta ah ee degan xaafadda Digaale ee  magaaladda Hargaysa.

Masuuliyiintaasi oo uu hogaaminayay guddoomiyaha gobolka Maroodijeex ee xisbiga cadaaladda iyo daryeelka, waxaanay ugu horayn xoolo nool u qaybiyeen  cusbitaalka guud ee Hargaysa gaar ahaana qaybta  ay ku jiraan dadka Maskaxda ka buka. Waxaanay sheegeen masuuliyiinta UCID ee halkaasi ka hadlay in ay maalintii ololahoodda u bedeleen in ay caawiyaan dadka jilicsan iyo kuwa xanuunsanaya.

Waxaana  caawimadaasi xoolaha ah ka guddoomay masuuliyiinta cusbitaalka guud ee Hargaysa, kuwaasoo uga mahad celiyay guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe,  kaalmadan uu soo gadhsiiyay cusbitaalka.

Sidoo kale masuuliyiinta UCID ee gobolka Maroodijeex ayaa booqday cusbitaalka TB-da halkaasoo ay gaadhsiiyeen xoolo nool  oo loogu tallo galay in loo qallo dadka bukaanka ah ee  cusbitaalkaasi ku jira.  Waxaanay ku tilmaameen u jeedadda ay ka leeyihiin in ololihii ay u bedeleen hawlo dhinaca khayrka ah, isla  markaana ay doonayaan in  lagaga daydo caawinta dadka danyarta iyo kuwa bukaanka ah.

Waxa kaloo ay madaxda UCID kaalmo gaadhsiiyeen dadka degan xaafadda Digaale ee koonfurta magaaladda Hargaysa, halkaasoo  ay dadweynahaasina uga mahad celiyeen  booqashadda ay ugu yimaadeen-ba.

Laascaanood:

Waxa kaloo ay masuuliyiinta  xisbiga UCID ee gobolka Sool ay shalay deeq xoolo nool ah gaadhsiiyeen bukaanka ku jira cusbitaalka magaaladda Laascaanood iyo dadka barakacayaasha ah ee degan daafaha magaaladda Laascaanood. Waxaanay xoolahaasi gaadhsiiyeen cusbitaalka Dhimirka, cusbitaalka TB-da, cusbitaalka guud ee magaaladda Laascaanood iyo dadka danyarta ah eexoolahoodii ay kaga dhamaadeen abaarihii dalka soo maray ee ku nool  xaafadda Daami ee magaaladda Laascaanood iyo degaamadda  Guumays, Adhicadeeye iyo weliba Laascaanood.

Waxaanay saraakiisha xisbiga UCID  ee caawimadaasi qaybinayay sheegeen in maalintii ay ololahooda u lahaayeen u bedeleen in la kaalmeeyo bulshadda jilicsan iyo kuwa bukaanka ah, sidii uu dhawaan  shaaciyay musharaxa madaxweynaha xisbigaasi  Faysal Cali Waraabe.

Burco:

Geesta kale guddoomiyaha xisbiga UCID ee gobolka Togdheer Sacad Cabdi Boos iyo masuuliyiin kale oo xisbigaasi ka tirsan  ayaa shalay kaalmo xoolo  nool ah gaadhsiiyay qaar ka mid ah xabsiyadda, xarumaha agoomaha  iyo cusbitaaladda magaaladda Burco.

Guddoomiyaha  UCID ee gobolka Togdheer, ayaa sheegay in ololahoodii iyo dabaaldegyadoodii ay ku bedelaan in ay dhibaatadda la qaybsadaan dadka reer Somaliland ee tabaalaysan eek u jira xabsiyadda, cusbitaaladda iyo meelaha kale ee dadka jilicsan ay degan yihiin.

Waxaanu yidhi “Xisbi ahaan waxaanu go’aansanay in aanu samayno olole bulshadda waxtar u leh, oo dadka jilicsan waxtar u leh, halkii aanu ka samayn lahayn buuq iyo sawaxan, waxaanu taa bedelkeedda xoolo nool ku wareejinaynaa meelaha ay dadka jilicsani ku nool yihiin.  Jeelka weyn ee Burco, cusbitaalka guud iyo  custitaalka maandhaye in aanu xoolo nool ku wareejino”.

Sidoo kale madaxda xarumaha caawimadaasi loo qaybiyay ayaa xisbiga  UCID  waxay ku amaaneen in waxyaabo waxtar u leh bulshadda oo sadaqad ah uu xisbigaasi soo gaadhsiiyay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply