Somaliland oo Yeelatay Qalabka Lagula Socdo Saadaasha Hawadda

0
599

Hargaysa (Dawan)-Jamhuuriyadda Somaliland ayaa markii u horaysay ku guulaysatay  in ay yeelato qalabka lagula socdo saadaasha hawadda, kaasoo shalay si tijaabo ah ay shaqadiisu u bilaabantay kadib markii  rakibaadiisu ay muddo ka socotay garoonka diyaaradaha Hargaysa.

Qalabkani ayaa lagu tilmaamay in uu yahay mid aad u casriya oo lagula socon karro hadba sida uu yahay xaalka is-bed-bedelka cimiladda ee guud ahaan dhulka Somaliland Badd iyo beriba, isla markaana looga faa’iidaysan karro sidii loo heli lahaa macluumaadyo kale oo la xidhiidha arrimaha saadaasha hawadda.

Waxaana qalabkani dawladda Somaliland ku caawiyay urur goboleed IGAD, iyadoona shalay la bilaabay hawshiisa tijaabadda ah. kaasoo qayb ka ah mashruuca loo yaqaano  Mesa oo ah mashruuc ay wadamadda Afrika oo dhan  ku bahoobeen oo lagaga shaqeeyo  sidii cimilada loola socon lahaa.

Munaasibad kooban oo loo qabtay dhamaystirka qalabkan la socoshadda saadaasha hawadda oo shalay lagu qabtay xarunta wasaaradda duulista ee magaaladda Hargaysa, waxaa goob joog ka ahaa wasiirka duulista, agaasimaha guud ee wasaaradaasi, agaasimaha waaxda saadaasha ahwadda  iyo xubno isugu jiray injiineero iyo khubarro qalabkan rakibay oo ka kala socday IGAD iyo hay’adda ICAO.

Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka  Somaliland Farxaan Aadan haybe, oo hadal ka jeediyay xafladii daah furka qalabkaasi  ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay qalabkani, isla markaana uu wax badan ka tari doono in si fudud loo ogaado xaaaladaha hawadda gobolka.

Isagoo  arrimahaasi faahfaahin ka bixinayayna waxa uu yidhi “Waa  guul weyn oo Somaliland u soo hoyatay in aynu halkan (madaarka Hargaysa)  ku rakibno qalab saadaasha hawadda wax weyn inooga tari doona,  oo suurto gelinaya in aynu la socono xaaladaha hawadeena iyo wixii la hal maala oo aynu aad ugu baahnayn.  Waynu  ognahay duruufaha abaareed iyo wacyi ee ina soo maray. Waxaananu  dedaal badan u galnay ka wasaarad ahaan in aanu suurto gelino,  sifo kastoo aanu ku heli karayno qalab Dayax-gacmeedka (Satelite-ka)  ku xidhan oo suurto geliya in aynu sida caalamka la socono hawadeena oo aynu ka caawin karno dadka reer guuraaga ah iyo dadka magaalooyinka iyo dhulka daaqsimeedka si loola socdo.  Waxaanu  barnaamijkani inoo suurto galinayaa inuu hawshaasi inaga caawiyo,  in aanu xog ka helno oo Settelite-ku inoo sahlo”.

Farxaan Haybe, ayaa  u mahad celiyay urur goboleedka IGAD oo qalabkani ku caawiyay Somaliland  iyo hay’adda qaramadda midoobay u qaabilsan la socodka saadaasha hawadda ee ICAO  oo gacan ka gaysatay in  qalabakan loo rakibo.    “Waxaan u mahad celinayaa urur goboleedka IGAD,  oo qalabkan oo qiimo weyn ku kacay inoo keenay.  Waxa  kale oo aan u mahad celinayaa Eng. John oo isagu-na rakibaada qalabkan u yimid dalka iyo C/rashiid oo ICAO (hay’adda QM u qaabilsan maamulka hawadda)  ka socda qaybteeda saadaasha hawada. Waxaanay  labadoodu-ba gacan balaadhan ka gaysteen sidii hawshani u suurto gali lahayd, maanta-na (shalay)  qalabkii waa uu shaqaynayaa tijaabadii u horaysay-na  waanu samaynay.  Waxaananu  mustaqbalka  rejaynaynaa inay noqoto hay’ad madax banaan ama wakaalad, taasoo wasaaradda duulista  lafteeda hoos timaada,  maadaama oo ay ahmiyad gaara  leedahay,  waana talaabo hore loo qaaday oo ay ku guulaysatay xukuumadda   xisbiga Kulmiye” ayuu yidhi wasiirka duulistu.

Waxa kaloo uu wasiirku sharaxaad ka bixiyay baahiyaha   kala duwan ee ay doonayaan in qalabkani wax lagaga qabto oo looga faa’iidaysto. Waxaanu yidhi “Keliya  kama caawinayso duruufaha cimilo, sidoo kale waxay ka caawinaysaa haddii Baddaha oo kale wax ku soo fool leeyihiin, duufaano iyo roobab meelaha qaarkood siyaado ku ah oo da’aya, way  fududanaysaa  in dadka xog la siiyo. Waxa  kaloo ka mid ah in meelaha abaarta  looga baqayo lafteeda xog laga helo,  marka  xogtaasi la helana   dadka meelahaasi degan la sii siin karo xog ah in dhulkaasi abaartu ku badan tahay,  oo ay muhiim tahay in xaga kale loo guuro.

Waxa  kaloo xog laga siin karaa dhismeyaasha oo xog laga siin karo habka Dabayshu u dhacdo oo lagu salayn karo habka loo dhisayo iyo Dabaysha khatarta ku ah.  haddii  uu yahay dabaqyo badan oo isa-saaran, xog badan oo dalkani u baahnaa oo markii hore uu la’aa ayuu inoo suurto gelinayaa barnaamijkani. Waana   markii u horaysay ee Somaliland lagu rakibo.

Waxa  kale oo uu qalabkani ka caawinayaa Telefishanadda inay helaan xogta dhabta ah ee saadaasha hawada ee Somaliland, taasina barnaamij ayaanu u samaynaynaa aanu heshiis ku wada galno warfaafinta,  oo ay xogtaasi telefishanadu helaan si toos ah,  xogta maalin kasta iyo daqiiqad kasta oo ku saabsan hawada Somaliland siday u dhacayso”.

Geesta kale agaasimaha waaxda Cimilada ee wasaaradda duulista Somaliland C/rashiid Cali Xadi, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay qalabkani iyo  hawsha ugu muhiimsan ee  looga faa’iidaysan doonno.  Waxaanu yidhi “Qalabkani  waxa uu qayb ka yahay mashruuca Mesa oo ah mashruuc ay wadamadda Afrika oo dhan ay ku bahoobeen oo ah sidii Cimilada loola socon lahaa, isla markaana qalabkan loogu talo galay sidii Cimilada Somaliland loola socon lahaa.

Mashruucaasina  waxa runtii naga gar gaaray  oo gacan xoog leh naga siiyay urur goboleedka  IGAD oo aanu la’aantii mashruucaasi midho dhaleen.  Si  kale haddii aan u dhigo waxay  Somaliland gaadhay  inay keligeed garan karto cimiladeeda oo ay la socon karto hawadeeda oo ay maamuli karto”.

Mr. John Asayo, oo ahaa sarkaal ka socday urur goboleedka IGAD kana mid ahaa khubaradii ka shaqaynayay rakibaadda qalabakani  ayaa dawladda Somaliland uga mahad celiyay sidii wanaagsanayd ee ay ugala shaqeeyeen rakibaadda qalabkani.

Waxa kaloo uu masuulka ka socday IGAD ka sheekeeyay qalabakan iyo nooca  hawsha uu qaban doono. Waxaanu yidhi “Waxaan jecelahay in aan uga mahad celiyo dawladda Somaliland sida wanaagsan ee ay noo garab istaagtay si ay hawshani noogu suurto gasho.  Waxaanu  qalabkan cusubi  hirgeliyaaa sidii loola socon lahaa Hawada dalka.  Waxaanan  rejaynayaa in sida ugu wanaagsan loogu isticmaali doono. Waxaan  doonayaa in aan halkan uga mahad celiyo masuuliyiinta IGAD ee suurto geliyey in aan hawshan qabano iyo wasiirka duulista Somaliland  oo isagu-na gacan nagu siiyay”.

Ugu danbayn C/rashiid Cumar Jaamac,  oo ka socday hay’adda qaramadda midoobay u qaabilsan maamulka hawadda ee magaceedda loo soo gaabiyo  ICAO oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in qalabkan cusubi  faa’iido u leeyahay dalka Somaliland.   “Qalabkani  waxa uu inaga  caawinayaa cimilada iyo sidii loola socon lahaa” ayuu yidhi C/rashiid oo ka socday ICAO.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply