Taageerayaasha KULMIYE ee Dalka oo Cududooda soo Bandhigay

0
454

Hargeysa (Dawan)- Taageerayaasha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa isu soo baxyo waaweyn ku soo bandhigay gobollada iyo degmooyinka dalka, shalay oo ahayd maalintii afraad ee ololaha xisbigaas, ee doorashada madaxtooyada ee qorshaysan  in ay dhacdo 13-ka bisha November 2017.

Dadweyne aad u tiro badan, oo ka mid ah shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhaqan guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee dalka ayaa isu-soo-baxyo ay ku muujinayeen baaxadda taageero ee ay u hayaan xisbiga KULMIYE ku soo bandhigay fagaarayaasha kala duwan ee loogu talogalay in shacabka lagala hadlo.

Berbera:

Isu-soo-bax lagu tilmaamay inuu ahaa xudunta wacdaraha ololaha maalinta afraad ee KULMIYE oo ay ku dabbaaldegeen shacabwaynaha ku dhaqan magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, waxa kala qaybgalay Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo.

Sidoo kale, waxa kala qayb galay, xubno siyaasiyiin iyo aqoonyahan bulshada dhexdeeda miisaan ku leh oo ay ka mid yihiin; Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Cali Xoor-xoor, Cali Maxamed Warancadde, Wasiirka Khaarajiga Dr. Sacad Cali Shire, xildhibaan Siciid Cartan, xildhibaan Maxamuud Xaaji Cilmi Dable, xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obaama), Marwo Rooda Axmed Yaasiin, Guddoomiyaha Guddida ololaha ee Gobolka Saaxil Md. Cabdilaahi Abokor iyo xubno kale, kuwaasi oo fagaaraha khayriyada Berbera kala hadlay dadweynaha, iyaga oo uga mahadceliyey sida ay bannaanka u soo dhigeen taageerada la barbartaagan yihiin xisbiga iyo murrashaxiintiisa Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka.

“Reer Berberow waxaad joogtaan magaaladii xuddunta u ahayd dhaqaalaha Somaliland, halkanna (KULMIYE) mustaqbal weyn baa yaalla, ballankeenuna waa bisha soo socota 13-keeda oo aad safka si wacan u gasho, codkaagana aad dhiibato, KULMIYE-na uu soo baxo oo uu Muuse Madaxweyne inoo noqdo.” Sidaa waxa yidhi Prof. Axmed Ismaaciil Samatar.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo khudbad kooban u jeediyey shacabka reer Berbera, ayaa uga mahadnaqay taageerada ay KULMIYE u muujiyeen, waxaannu xusay in horumarinta dalka iyo caddaaladdu gun-dhig u yihiin tiirarka xisbiga KULMIYE, waxaannu yidhi, “Waa noo guddoon cuddudaas iyo taageeradaasi, Berbera iyo Saaxil-na cid la dardaarayo maaha, waxaana aynu ku wadasoconaa oo aynu xisbi u nahay inaynu dalkeena dhisanno, diinteena wada ilaashano oo aynu dadkeena hore u marino, waa inoo caddaalad, xaqsoornimo iyo Somaliland oo hore u marta.”

Hargeysa:

Dhinaca kale, shacabka ku dhaqan caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa mar kale soo bandhigay cuddudooda taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE oo kuwaasi oo isu soo baxyo miisaan leh ka sameeyeen dhamaan degmooyinka ay ka kooban tahay magaalada Hargeysa, fagaaraha weyn ee beerta Xorriyadda iyo guud ahaan degmooyinka gobolka Maroodijeex.

Kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee degmooyinka magaalada Hargeysa oo isu soo baxa maalinta afraad ee xisbiga isugu yimi fagaaraha beerta Xorriyadda, ayaa si laxaadleh u muujiyey miisaanka iyo cudduda xisbul-xaakimku ku leeyahay Gobolka Maroodi-jeex, waxaanna dabbaaldegga ismuujinta kala qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna murashaxa isla jagadaas mar labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirro ka tirsan xukuumadda, masuuliyiin iyo saraakiil ka mid ah xisbiga, guddiga ololaha xisbiga ee Gobolka Maroodi-jeex iyo madax kale oo badan.

Masuuliyiin ka tirsan xisbiga iyo wasiirro xukuumadda ka mid ah oo fagaaraha Beerta kala hadlay reer Hargeysa, ayaa ku bogaadiyey dadweynaha reer Hargeysa sida hagar la’aanta ah ee ay u barbartaagan yihiin xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa uu hoggaamiyo Madaxweynaha Qaranka Md. Axmed Siilaayo oo ay ka warrameen waxqabadka ballaadhan ee uu ka hirgeliyey dalka muddadii uu xilka hayey.

Ugu dambayntii, Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna murashaxa isla jagadaas mar labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo khudbad ka jeediyey fagaaraha beerta Xorriyada Hargeysa, ayaa si faahfaahsan uga warramay waxyaabaha ummadda reer Somaliland ku dooranayso xisbiga KULMIYE mar labaad oo isugu jira waxqabadka ballaadhan ee uu fuliyey muddadii uu talada hayey, miisaanka iyo waayo-aragnimada murrashaxiintiisa u tartamaysa hoggaaminta waddanka iyo qorshaha cusub ee xisbigu doonayo inuu ku maamulo dalka.

“Waxaannu hortiinna idiinka ballanqaadaynaa in aannu wax hagaajin doono nidaamka waxqaybsiga oo aannu dhisi doono Somaliland wadajirkeeda iyo wax-wada lahaanshaheeda in khayraadka dalka wixii yimaada loo sinnaado xag dhaqaale iyo xaq shaqaba waxaannu ballanqaadaynaa in aannu caddaalad ku maamuli doono, in garsoorka oo aannu wax badan ka qabanay oo dib u hagaajin badan aannu ku samaynay in aannu sii adkayn doono oo adeegga maxkamadaha loo dhaadhicin doono ilaa heer degmo iyo tuulo, in amniga aynu aad u sii xoojin doono,” ayuu yidhi Md. Saylici.

Waxa kaloo uu jawaab ka bixiyey xubno ka mid ah xisbiga WADDANI oo ay ka soo yeedheen hadallo naxli ah oo halis ku ah qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu yidhi, “Waxa ayaan-darro ah in odayaal waawayn ama siyaasiyiin waawayn oo xisbiga WADDANI taageersani inay yidhaahdaan haddii aannu annagu heliwayno doorashada waanu ka tashanaynaa dalka, taasi waa nasiib-darro, tartan baa socda, garina laba nin kama wada qosliso, haddii la tartamo nin uun baa guulaysta, markaa ninka maanta leh haddii la i dooranwaayo dalka waan ka tashanayaa miyaan ka yeelnaa? Maaha wax laga yeelayo.”

Burco:

Taageerayaal tiro badan, ayaa ol’olaha maalinta afraad ee xisbiga Kulmiye isugu soo baxay fagaaraha beerta khayriyada ee magaalada Burco, iyagoo ku labisan astaanta xisbiga Kulmiye, kuwaasoo ay si weyn uga dhex muuqdeen garabbada dhalinyarada ee xisbiga Kulmiye.

Waxa munaasibadda ol’olaha ee maalinta afraad ee xisbiga Kulmiye kala qayb-galay taageerayaasha gobolka Togdheer guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Muj. Maxamed Kaahin Axmed, waxaana ugu horeyn halkaas ka hadlay masuuliyiinta kala duwan ee xisbiga Kulmiye ee gobolka Togdheer oo dhamaantood taageerayaasha xisbiga uga mahad-naqay sida weyn ee ay u muujiyeen cududda taageeradooda xisbiga.

Ugu dambayn guddoomiye ku-xgeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo la hadlay taageerayaasha isu soo baxay ayaa sheegay in Kulmiye oo intii talada hayay uu barnaamij siyaasaddeed tifaftiran dalka ku hogaaminayay, isla markaana xilligan mid la mid ah oo kasii wanaagsan ku hogaamin doono, waxaanu yidhi. “Xisbiga Kulmiye muddadii uu xilka hayay barnaamij siyaasaddeed oo tifaftiran ayuu la yimi oo uu ku soconayay, maantana waxaad haysaan barnaamijkiisii tifaftirnaa ee uu dalka ku maamulayay.”

Ceerigaabo:

Kumanaan ka tirsan taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayaa isu soo bax balaadhan ku muujiyay cududdooda maalintii afraad ee ol’olaha doorashada madaxtooyada.

Taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee magaalada Ceerigaabo ayaa socod kusoo maray shaaracyada magaaladaas, iyagoo sita astaamaha xisbiga iyo boodhadh ay ku muujinayaan taageerada musharaxiinta madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen ee xisbiga Kulmiye.

Isu-soo baxa taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee magaalada Ceerigaabo ayaa waxa maalintii afraad kala qayb-galay ol’olaha doorashada masuuliyiin isugu jira madaxda xisbiga, xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland.

Af-hayeenka xisbiga Kulmiye Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi oo la hadlayay taageerayaasha tirada badan ee magaalada Ceerigaabo ayaa ku bogaadiyay sida ay taageerayaasha xisbigu u muujiyeen cududoodda.

Wasiirka wasaaradda Gaashaan-dhigga Somaliland Axmed X. Cali Cadami ayaa sheegay in dadku ka midaysan yihiin inuu xisbiga Kulmiye soo baxayo, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa. “Waxaynu isku raacsanahay oo aynu iskaga mid nahay in xisbiga Kulmiye soo baxo.”

Laascaanood:

Magaalada Laascaanood ayaa sidoo kale maalinta afraad ee ol’olaha doorashada madaxtooyada waxay taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee magaaladaas muujiyeen taageerada ay u hayaan xisbiga, waxaana fagaaraha khayriyada ee magaalada Laascaanood kala hadlay madaxda gobolka Sool, masuuliyiin ka tirsan xisbiga Kulmiye, xildhibaano iyo wasiirro.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa taageerayaasha Sool ku booriyay inay sii xoojiyaan muujinta taageeradooda. “Maalmihii ol’olaha doorashada wax yar baa inoo hadhay, waxa la idiinka baahan yahay reer Laascaanood inaad sidaad u muujiseen cudduda taageero ee aad u haysaan xisbiga Kulmiye maalmaha soo socdana aad ka sii badisaan.”

Geesta kale, isu soo baxyo waaweyn oo xisbiga KULMIYE lagu taageerayo ayey sameeyeen shacabka ku dhaqan magaalooyinka dalka sida, Boorama, Caynaba, Gabiley, Balligubadle iyo guud ahaan degmooyinka hoos yimaada gobollada dalka oo dhan oo dhigay wacdaro.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply