Wasiirka Biyaha oo Naqdiyay Baashe Cali Jaamac

0
407

Laascaanood (Dawan)- Wasiirka wasaarada khayraadka biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Xuseen Cabdi Boos, ayaa sheegay in wada-hadaladii u socday xukuumada Somaliland iyo beelaha bariga ee gobolada Sool iyo Sanaag, ay meel fiican marayaan, isla markaana aanu wax saamayn ah ku keenaynin siyaasi Baashe Cali Jaamac oo ka soo jeeda deegaankaasi oo dhawaan ku birriiyay xisbiga Waddani.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in beelaha deegaanadaasi ay xukuumadda KULMIYE heshiish kula galeen shirarkii ka qabsoomay magaalooyinka Awr-boogays iyo Adhicaddeeye, kuwaasi oo la iskula qaatay qorsheyaal badan, sidaa darteedna ay beelahaasi taageeradooda isla garab taagayaan Murashaxa madaxweynaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi.

‘Baashe waxa uu ka tirsanaa xukuumada Kulmiye, kana mid ahaa, haddii uu ka tegayna ma filayo inuu wax saamayn ah ay ku yeelanayso taageeradii beesha ee xisbiga Kulmiye, sababtoo ah, dadku waxay doorteen oo ka tirsan yihiin xisbiga Kulmiye boqolkiiba sagaashan iyo shan, sidoo kale, Kulmiye ayay wax badan la soo galeen, heshiisyo iyo qorshayaal ayaana u yaalay, waxayna ku wada socdeen nidaam ay isku afgarteen, markaa shakhsi uun tegey ayuu noqonayaaye wax saamayn ah ku yeelan maayo” ayuu yidh Wasiirka khayraadka Biyaha Somalliland.

Xuseen Boos, dhinaca kale waxa uu ka hadlay heshiisyadii u socday beelahaa bariga iyo xukuumada Kulmiye, waxaanu yidhi ‘Xisbiga Kulmiye ee talada soo hayey waxa uu beesha la furay wadahadalo iyo heshiisyo, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen kuwii ka qabsoomay Awrboogays iyo kuwo rasmi noqday oo Khaatumo ah, kuna soo gebogeboobay Caynabo.”

“Waxaan maqlayey Baashe Cali Jaamac, wuxuu la shiray dad beesha ah, kuna yidhi heshiisyadii ayaa dayacmay iyo wadahadaladii, waxaana u soo wareejiyey dhinacan iyo xisbiga Waddani, waxaan ka leeyahay weedhahaa, aniga iyo Baashe waxaanu ka ahayn wasiiro is bedelay oo la dhamaystiray xukuumada waxqabadkeedii, sidaa awgeed ma jiraan wax qabsoomi waayey, wixii ka qabyo ahna golihii maalintii dhawayd ee Caynabo ayuu ka sheegay madaxweynuhu in hogaamiyaha ahna musharaxa Mulmiye Muuse Biixi Cabdi uu dhamaystiri doono, wax rajo xumo ahina ma jirto, mana wacna in laga been sheego xaqiiqada, mana jiraan wax ka dayacmay ayaan leeyahay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply