Ciidanka Xeebaha oo ka Hadlay Hawlgal ay ku Qabteen Doonyo Shisheeye

0
580

Hargeysa(Dawan)-Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Sareeye guuto,  Cabdi Xirsi Ducaale oo Shalay warbaahinta kula hadlay Taliska guud ee Ciidankaas, ayaa ka warbixiyey howl-galo bilihii u dambeeyey Ciidanku ka fuliyey Xeebaha dalka oo lagu soo qabqabtay Doonyo Kalluumaysi oo ku soo xad-gudbay Biyaha Somaliland, kuwo looga shakiyey sababbo nabad-gelyo oo baadhis lagu hayo iyo Markab ku xumaaday duleedka Dekedda oo wasakh ku sii daayey Biyaha, kaasoo Dawladdu Talaabo ka qaaday.

Admiral Cabdi Xirsi Ducaale, waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyey horumarin iyo tayeyn lagu sameeyey Ciidamada Ilaalada Xeebaha iyo Talisyadooda, isagoo tilmaamay inay Ciidankaasi  marayaan heerkii ugu fiicnaa tiro ahaan, Qalab ahaan iyo Gaadiid ahaanba, si buuxdana uga howl-galaan Xeebaha dalka oo dhan.

“Ciidanka Ilaalada Xeebaha Shaqadiisu waxa weeye inuu ilaaliyo amaanka badda iyo Nawaaxiga xeebaha, bilihii u dambeeyey howl-gallo uu sameeyey wuxuu ku soo qabqabtay doonyo Biyaha dalka ku soo xad-gudbay oo ah kalluumaysi Sharci darro, waxaana kamid ah Dooni weyn oo laga leeyahay dalka Yemen oo ah nooca waaweyn ee soddonka Ton qaada, taasoo  Ciidanku qabtay  bishii October dhamaadkeedii, waxaanan hor geynay Sharciga. Caadiyanna hadday Kalluumatsi sharci-daro ah tahay iyo hadday tahay dambi kale oo badda ka dhacay tahayba Ciidanku markuu qabto wuxuu u gudbiyaa Hay’addaha Sharciga oo iyaguna waajibkooda ka qabsadaa”ayuu yidhi Taliye Cabdi Xirsi oo intaa ku daray “ waxa kale oo Ciidanku isagoo ogsoon xaalada ka jirta gobolka aanu mar walba baadhnaa doonyaha Kalluumaysiga iyo Laashashka ka kalluumaysta xeebaha, si aanu uga hortago in lagu soo qariyo waxyaabo amniga halis ku ah”.

Taliyuhu isagoo ka hadlaya Markab ku xumaaday duleedka Dekedda Berbera oo Saliid Wasakh ah ku sii daayey Biyaha Badda iyo Talaabada ay Ciidan ahaan ka qaadeen waxa uu yidhi “Markabkaas markii uu Saliidda ku sii daayey Badda waanu u tagnay, waxaanan soo xidhnay Kabtankii wadday, markii dambena waa la ganaaxay oo sifihii sharciga ahaa ayaa la mariyey”

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Xeebaha Somaliland, waxa uu sharaxaad ka bixiyey Doonyo Kalluumaysiga oo laga leeyahay Puntland oo lagu xanibay Berbera, kuwaasoo markii la soo qabtay Warbaahinta qaarkeed sheegeen inay ahaayeen Doonyo hubaysan, balse  Taliyuhu wuxuu xaqiijiyey  inay si caadi ah u yimaadeen Berbera, iyagoo doonaya in la siiyo Ruqsado Kalluumaysi. “Doonyahaas ay wateen afarta Qof annagu badda ayaanu iska helnay, iyagaa yimi iyagoo doonaya in fasax la siiyo oo ay ka kalluumaystaan baddeena. Inagu waxa inoo yimaada dad ajaanib ah oo doonaya inay baddeena ka kalluumaystaan. Waxaynu siinaa Liisan Kalluumaysi, waxa bixisa Wasaarada Kalluumaysiga, Cashuurbaa laga qaadaa, Ciidankuna inuu amnigooda sugo ayaa xaq loogu leeyahay, markaa doonyahaas annagu waanu baadhnay inay sidaan wax hub ah, maadaama ay ka yimaadeen Soomaaliya oo aynu ognahay xaaladeeda, kaddib waxa noo cadaatay inaan wax hub ah iyo dhib kale oo ay wadaan jirin” ayuu yidhi Admiral Cabdi Xirsi.

Taliyuhu isagoo arrintaas ka sii hadlaya waxa uu yidhi “waxaan arkayey Website-yo warar bulshada argagax gelinaya arrintaas ka sheegayey oo lahaa waxa la qabto doonyo hub sida iyo kuwa kalaa soo socda, waxaan leeyahay waxba kama jiraan warkaas. Nimankaa doonyaha watayna wali waanu haynaa Wasaaradda Kalluumaysiga ayaanan war ka sugaynaa inay u fasaxdo howsha ay u socdaan iyo in kale”.

Geesta kale, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebuhu waxa uu ka waramay sida ay ugu diyaar-garoobeen Ciidan ahaan xaalada Doorasho ee dalku gelayo iyo doorka kaga aaddan sugida amniga. “Ciidanku isagoo mar walba ka feejigan wixii dhibaato ah ee dhinaca badda inaga soo gelaya, wakhtigan Doorashada waxaanu u diyaarinay Ciidan ka qayb-qaata ilaalinta goobaha sannaaduuqda la geynayo oo aanu annagu u xilsaaranahay . nabad-gelyada guud ee dalkana si fiican ayaanu uga diyaar-garownay inaanu qaybtaa badda ee ay masuuliyaddu gaarka nooga saaran tahay kor u qaadno” sidaas ayuu yidhi Taliye Cabdi Xirsi oo geesta kale ugu baaqay inay Hay’addaha difaaca, nabad-gelyada iyo laanta sirdoonka  ay xoojiyaan isku-xidhnaanta iyo xog-isweydaarsiga Ciidan ee ka dhexeeya, si looga hortago kai man karta Badda iyo Berriga.

Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo todobadii sannadood ee u dambeeyey wax badani iska bedeleen mustawahooda iyo Ciidannimo, si weyna looga dareemi karo horumarka lagu sameeyey muddadaas cududda ay leeyihiin wakhtigan, ayaa sida uu Taliyuhu sheegay waxa ay beryahan ku howlanaayeen Dhismeyaal lagu kordhinayo Talisyada Ciidankaasoo ay iskaa wax u qabso ku dhisayaan. Dhismeyaashaas oo ay kamid yihiin guryo loogu talo-galay Jiifka Saraakiisha iyo Askarta oo laga  dhisayo Taliska guud ee Ciidanka, waxa Taliye Cabdi Xirsi sheegay “Dhismeyaashaas Ciidanku isagaa dhisanaya, wixii qalab ah annaga ayaa u soo iibinay, wixii shaqo ah hadday tahay Wastadaad, hadday tahay Nijaar ama Kuuli iyagoo askartu isu ah, waanan wadaynaa oo dhamaan Talisyada oo dhan wixii ka dhiman sidaas ayaanu ku kordhinaynaa” ayuu yidhi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply