Xayawaan Noolaan Jiray Qarniyo Hore, Lafihiisuna Yihiin 125 Oo Milyan Oo Hindiya Laga Helay

0
401

Khubarro kala duwan oo ka socotay jaamacaddaha dalka Hindiya ayaa helay lafaha xayawaan ay sheegeen inuu ku noolaan jiray wadankaasi Hindiya Qarniyo aad u fog, kaas oo waqtigan ay lafihiisu ciida hoos mareen, kaas oo ah mid aan hore loo ogayn.

Lafaha la helay  ayaa la sheegay inay jireen da’ahaan 125 Million oo sanno, waxaanu xayawaankaasi lafihiisu noqonayaan 5.5 meter oo dhererkiisa ah, iyada oo laga helay gobolka dhagaxleyda ah ee  Gujarat oo ku taala galbeedka wadankaasi Hindiya.

Xayawaankan ayaa la helay laf dhabartiisii iyo madixiisii, iyada oo la waayey dabadiisii ama dibkii iyo intii kale, waxaanay khubaraddani sheegeen in xayawaankani muddo hore ku noolaan jiray gobolkan, sidoo kalena uu ahaa xayawaanadka badda .

Lafaha xayawaankan oo baadhitaan lagu sameeyey waxa la sheegay in uu u eg yahay xayawaankani mid dadka ugaadhsan jiray ama cuni jiray, sidoo kalena uu noolaha oo dhan ugaadhsan jiray .

Xayawaankan ayay is shabahaan xayawaan hore lafihiisa looga helay wadanka Canada, iyaga oo khubaradda baadhaysay oo la hadlay wargeyska One Plus oo uu wargeyska Dawan kasoo xigtay qormadan ay aad ula yaabeen xayawaankan markii ay heleen, ayna baadhayaan siduu halkan kusoo gaadhey.

Prasad oo u hadlay kooxdaasi baadhitaanka wadey ee khubaradda ah ayaa sheegay in xayawaankani soo shabaho Xuudka oo kale ama libaax badeedka, kaas oo ah mid goobtan iyo meelo kale oo adduunka ah ku noolaan jiray muddo u dhaxaysay 90 ilaa 250 Malyan oo sanno ka hor.

Waxa kale oo kooxdan baadheyaasha ahi sheegeen in mar la wada baadhi doono xayawaankan iyo mid lamid ah oo laga helay Koonfurta Amerika , kaas oo isna noolaa 150  malyan oo sanno ka hor.

Leave a Reply