Sucuudiga oo Xidh xidhay Tobanaan ay ku jiraan Amiirro iyo Wasiiro

0
406

Xukuumadda Sucuudiga ayaa qaaday olole musuqmaasuqa lagula dagaalamayo, waxaana ololahaa lagu soo xidhay toban Amiir oo ay ku jiraan wasiirro sar sare iyo sidoo kale tobanaan wasiiro hore ahaan jiray, talaabadaas ayaa la sheegay in looga golleeyahay in lagu cidhib tiro musuqmaasuqa.

Dhaxal sugaha taajka boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan, oo gudoomiye u ah guddi cusub oo la dagaalanka musuqmaasuqa loo xil saaray ayaad moodaa inuu gacan bidixaynayo ragga ka soo horjeeda.

Weriye ka tirsan BBC-da ayaa sheegay xil ka qaadista dhawr shakhsi oo dalka magac ku lahaa in ay ka cadhaysiin doono muxaafidiinta. Waxaanu intaa ku daray in Sucuudiga oo ah bulsho nidaam qabyaaladeed ku dhisani aanu diyaar u ahayn is bedel degdeg ah.

Dadka la xidhxidhay ayaa waxa ka mid ah; Wasiirkii hore ee maaliyadda Ibrahim al-Assaf oo xubin ka ah guddiga sare shirkadda saliiida ee Aramco,Wasiirkii dhaqaalaha Adel Fakieh, Badhasaabkii hore ee Riyaad Amiir Turki bin Abdullah, Madaxii hore ee maxkamadda sare t Khalid al-Tuwaijiri iyo  Bakr bin Laden, guddoomiyaha shirkadda dhismaha Sucuudiga ee  Binladin construction group, oo ay walaalo ahaayeen Osama bin Laden.

Leave a Reply