Murrashaxa Madaxweynaha UCID oo Taageereyaashiisa Kala Qaybgalay Dhoola-tus ay ku Soo Bandhigeen Laascaanood, Oog iyo Guumays

0
388

Laascanood (Dawan)- Xisbiga mucaaradka ah ee Caddaalada iyo Daryeelka (UCID), ayaa shalay maalintiisii lixaad ee ololaha doorashada madaxtooyada ka dhigay isu-soo-baxyo waaweyn qaar ka mid ah magaalooyinka Somaliland.Murrashaxa  madaxweynaha ahna guddoomiyaha xisbiga UCID Eng.  Faysal Cali Waraabe, oo uu wehelinayay murrashaxiisa  madaxweyne ku-xigeenka Prof. Axmed Xasan Abyan,  ayaa shalay  safar la xidhiidha ololaha doorashada ku soo maray magaalada Laascaanood iyo degaamo ka tirsan  gobolka Sool.

Eng. Faysal Cali Waraabe, iyo Murrashaxa madaxweyne ku-xigeenka ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyay degaannada  Oog, Guumays Yagoori, Adhi-Cadeeye iyo tuullo Sama-kaab,  iyadoo markii danbena ay uga sii gudbeen dhinaca magaalada Laascaanood, iyadoo murrashaxiinta  UCID  lagu qaabilay soo dhaweyn la yaab leh.

Boqolaal  dadweyne ahaa  oo isugu jiray  madax dhaqameed, aqoon yahano, odayaal, waxgarad, haween iyo dhalinyarro ayaa  si aan kala hadh lahayn ugu soo dhaweeyeen magaaladda Laascaanood, kuwaaso ruxayay calanka xisbiga UCID iyo caleemo qoyan, isla markaana ku dhawaaqayay erayo iyo hal-ku-dhegyo ay ku muujinayeen taageeradda ay u hayaan xisbiga UCID.

Faysal Cali Waraabe, oo la hadlayay taageereyaashii faraha  badnaa ee ku soo dhaweeyay Laascaanood ayaa ugu horayn uga mahad celiyay soo dhaweyntooda, isagoona  tilmaamay in  uu ka khibrad iyo waayo aragnimo hogaamineedba badan yahay labadda musharax ee Kulmiye iyo Waddani. “Anigu waxaan ka soo jeedaa reer talin jiray. Aabahayna wuu talin jiray, awoowgay-na wuu talin jiray,  waxaan ahay nin u dhisan in uu wax hogaamiyo.  C/raxmaan Cirro iyo Muuse Biixi in aan hoos tago waa igu ceeb, oo agtayda waxba kama aha.

Waxaan ahay ninkii u horeeyay ee damcay in uu Cigaal la tartamo oo uu isla soo sharaxo  ee xisbiga samaystay, xiligaa Muuse iyo Cirro xisbiyo may lahayn. Waxaan ahay nin Rayaale la tartamay, waxaan ahay ninkii Siilaanyo la tartamay ee isla sharaxay.  Labada-na (Cirro iyo Muuse), gidaaradda ayay ka soo kaceen, ee weligood ismay odhan madax noqda” ayuu yidhi Murrashaxa madaxweynaha UCID.

Wuxuu sheegay in labada xisbi ee Waddani iyo Kulmiye ay doonayaan in shacbiga ay codkoodda ka iibsadaan maadaama oo ay UCID ka lacag badan yihiin, balse xisbigiisa UCID uu bulshadda u hayo qorsheyaal wax lagaga qabanayo mustaqbalkoodda.  Waxaanu yidhi “Waa run oo labadda xisbi ee kale way iga lacag badan yihiin,  oo waxay  doonayaan in ay  idin iibsadanayaan, laakiin, anigu mustaqbal ayaan idiin hayaa.   Wasiirrada Waddani ku jiraa waa kuwii riday dagaalkii Kalshaale,  ee iyagoon dawladda la tashan iska weeraray Buuhoodle, oo  Buuhoodle ay noqotay godka Somaliland laga dilayo, cadhadii ay berigaa qaadeen darteed”.

Geesta  kale  Murrashaxa jagadda madaxweyne ku-xigeenka  UCID Prof. Axmed Xasan Abyan, oo meel fagaare ah hadal uga  jeediyay boqolaal  ka mid ahaa taageereyaashii ku soo dhaweeyay Laascaanood ayaa sheegay in haddii xisbigoodu uu talada waddanka ku guulaysto in ay ka shaqaynayaan sidii dhaqaalaha, horumarka iyo siyaasadda dalka la isugu dheeli tiri lahaa, waxaannu yidhi “Xisbiga UCID, waa xisbiga caddaalada iyo daryeelka. Waa xisbiga dadka danyarta ah, waa xisbiga dhallinyarada, waa xisbiga dadka la ilaaway ee xuquuqdooda lagu tuntay. Haddii aanu ku guulaysano kursiga madaxtinimadda oo aad codkiina na siisaa, waxaanu ku dedaalaynaa  waddanku in uu isku dheeli tirnaado. Horumarka ay  xaqqa u leeyihiin ee ka maqan goboladda bari, gaar ahaana  degaamadan Sool, in ay xaqoodda helaan ayaanu ka bilaabaynaa.  Waayo ummadda caddaalad ayaa deeqda”.

Dhinaca  kale Eng. Faysal, ayaa khudbad u jeediyay  boqolaal dadweyne ah oo ku soo dhaweeyay degmada Oog ee gobolka Sool  ayaa uga mahad celiyay bulshada degaankaasi sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen. Waxaanu sheegay in xisbiga UCID  uu doonayo  haddii uu talada dalka ku guulaysto in uu ka shaqeeyo midnimadda ummadda iyo la dagaalanka qabyaaladda,  isagoo  arrintaasi ka dhabaynaya   uu noqday xisbigii ugu horeeyay oo murrashaxiisa madaxweyne ku-xigeenka ka dhiga nin ka soo jeeda Sool.

Murrashax  Faysal, oo la hadlayay dadweynihii Oog ku soo dhaweeyay waxa uu yidhi “Aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin reer Oog, sida wanaagsan ee aad noo soo dhawayseen.  Waad og tihiin oo waanagii dalka midaynay,  ee aanu Somaliland iyo Khaatumo midaynay,  oo waa kaa maanta Cali Khaliif uu Caynaba hurdo, waa taa aanu  musharaxii madaxweyne ku-xigeenka reer Sool ka dhignay,  Somaliland sidaas ayaanu u midaynay. Waxaynu doonaynaa in aynu midnimadda ilaalino, oo aan ka ilaalino wax alaale iyo wixii midnimadda waxyeelaya, oo ay ugu horayso qabyaaladu.

Waad og tihiin  labadda nin  ee  maanta madaxtinimadda u ordayaa waa Muuse Biixi iyo C/raxmaan Cirro. Horta C/raxmaan Cirro isagu xagaa iyo Xamar ayuu u jeedaa oo waad og tihiin. Ninka la yidhaahdo Muuse Biixi, isna wuxuu inagu sameeyay waxa la yidhaahdo Jeegaan,  dalkeenuna Jeegaan  uma baahna Garxajisiyana looma baahna, ee waxaa loo baahan yahay  muslinnimo, walaalnimo iyo midnimo. Kulmiye, waxaa loo yaqaanaa xisbiga abaarta, sicir-bararka iyo  qabyaalada. Waxa kaloo loo yaqaanaa Kulmiye xisbiga Laankuruuser-ka,   oo wadda Landcruser ayay fuushan yihiin”.

Murrashaxa UCID  waxa uu sheegay in haddii la doorta si uu ummadda uga saaro qabyaalada iyo kala qaybsanaanta in uu  dalka ku xukumi doonno diinta Islaamka iyo sunaha rasuulka (SCW), isla markaana aanay cidnaba taasi uga fasax qaadanaynin. “Walaalayaal, anigu waxaan idiin wadaa oo ILLAAHAY (SWT) iiga magan yahay, cadaalad iyo kitaabkiisa iyo sunadda rasuulka (SCW). Kitaabka ILLAAHAY ayaynu qaadanaynaa, cidnaba uga baqi mayno.  Kitaabka ayay cadaaladu ku jirtaa, isaga ayay qabyaaladu inagaga baxaysaa, isaga ayay gaajadu inagaga baxaysaa, kitaabka ayay raxmadu inoogu soo degaysaa.  caruurtaa yar yar  ee soo kacayaa mustaqbal ayay u baahan yihiin, uma baahna afar wasiirr oo reerkoodda ah in la magacaabo, iskuulo ayay u baahan yihiin, caafimaad ayay u baahan yihiin, waddooyin ayay u baahan yihiin, biyo nadiif ah ayay u baahan yihiin”.

Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa carabka ku dhuftay in xisbigooda ay ka go’an tahay hadiiba uu xukunka ku guulaysto in uu ictiraaf u keeno wadanka iyo in da’yarta mustaqbal loo sameeyo, isla markaana qof kastoo reer Somaliland ahi uu hello biyo nadiif ah.

Wuxuu sheegay in ay wax ka qabanayaan arrimaha caafimaadka bulshadda gaar ahaana hooyadda iyo dhalaanka, ayna doonayaan in meel walaba laga hirgeliyo cusbitaallo. “Anaga ictiraaf ayaanu keenaynaa, haddii aanu taladda wadanka ku guulaysano. Waxaanu jecel nahay in aanu caruurteena mustaqbal u samayno, waxaanu doonaynaa in qof kastoo reer Somaliland ahi uu hello biyo nadiif ah.

Maalin  dhawayd oo aan Baligubadle  soo maray, waxaan arkay caruurteenii yar yarayd ee oo biyaha ka cabaysa  meello wasakh ah, taasina waa mid damiir xumo  inagu ah umadeena oo dhan.  Meel kastaba cusbitaal ayaanu ka samaynaynaa. Hooyadda la soo fool eryayo ee Ceerigaabo laga soo  Fool eryayo, ee hawd laga soo fool eryayo, waa in ay meesheedda ku dhashaa” ayuu yidhi Murrashaxa madaxweynaha xisbiga cadaaladda iyo daryeelka ee UCID.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply