Wasiir Cusub oo Loo Magacaabay Wasaaradda Shaqada

0
360

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Wasiir cusub u magacaabay Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada, ka dib markii uu madaxweynuhu istiqaaladii ka aqbalay wasiirkii hore Maxamuud Cabdilaahi Obsiiye.

 

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxooyada,Eng. Xuseen Aadan Cigge (Dayr), waxaanu madaxweynuhu digreetada uu soo saaray istiqaaladii kaga aqbalay wasiirkii iscasilay. Waxa kaloo uu  Cismaan Cabdi Sheekh Muxumed u  magacaabay wasiirka cusub ee shaqada, waxaanay u qornayd sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa shalay wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XERM/249-5219/112017 uu Aqbalaad Is-casilaad kaga aqbalay Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada isla markaana uu ku magacaabay wasiir cusub.

 

Waxaanay warqada istiqaaladii lagaga aqbalay Wasiirkii hore ee shaqada iyo arrimaha bulshadu u qornayd sidan:  “Mudane,Aniga oo ka duulaya qoraalka aad i soo gaadhsiisay, ee ujeeddadiisu tahay ka tagid xilkii aad haysay ee Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxaan kaa aqbalay is-casilaadaada aad ii soo gudbisay. Sidaa darteed, waxaan kuu rajaynayaa niyad-sami iyo mustaqbal wacan.”

Geesta kalena waxa madaxweynaha Somaliland uu wasaaradda shaqada u magacaabay wasiir cusub, sida lagu caddeeyay qoraalkan oo u dhignaa sidan:-

 

“Madaxweynuhu: Markuu Arkay:  Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey:  Ahmiyadda ay Wasiirradu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka; Markuu Arkay:  In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada;

Markuu ka Fiirsaday:  Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay:  In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday: In Mudane, Cismaan Cabdi Sheekh Muxumed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply