Samaale oo Dardaaran u Jeediyay Muraaqibiinta KULMIYE ee Doorashada Madaxtooyada

0
382

Hargeysa, (Dawan) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, Cabdicasiis Maxamed Samaale, xilligana ka mid ah siyaasiyiinta culus  eexisbal-xaakimka KULMIYE, ayaa Muraaqibiinta iyo qurbe-joogga dalka u yimmi dar-dargelinta ol’olaha xisbiga Kulmiye ujeediyay dardaaran iyo hoga-tusaaleyn ku wajahan doorka ay doorashada Madaxtooyada kaga qayb-qaadanayaan.

Cabdicasiis Maxamed Samaale oo shalay magaalada Hargeysa Kulan kula yeeshay Muraaqibiinta iyo Qurbe-joogga hawl-waddeennada ka ah ol’olaha xisbiga Kulmiye ee doorashada madaxtooyada ayaa ku booriyay inay maalmaha doorashada ka hadhay ay sii xoojiyaan hawlahooda shaqo iyo wacyi-gelinta deegaanada dalka oodhan, isla markaana maalmaha hadhay iyo maalinta doorashadaba uga faa’iidaystaan sidii ay bulshada uga dhaadhicin lahaayeen barnaamijka xisbiga Kulmiye iyo musharaxiintooda Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku-xigeen.

Cabdicasiis Samaale oo arrimahaas ka hadlayaa waxa uu yidh. “Dadka qurbe-jooga ah ee maanta dalka u yimi inay Kulmiye u hiiliyaan, hawl badan bay qaban karaan hawsha ay qaban karaanna waxa weeye  dhamaan deegaannada aynu kasoo wada jeedno ee aad  saamaynta ku leedihiin, waayo dadka dibadda joogaa saamayn badan bay ku leeyihiin gudaha,waa dad shaqeysta, waa dad dadka waxtara oo xilliyada sida abaaraha oo kale ka qayb qaata, dadka idin dhegaysanayaa aad bay u badan yihiin guud ahaan dalka, markaa inaad dadka wacyi-gelisaan oo ku dhiirigelisaan inay codkooda siiyaan musharaxiinta Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku-xigeen ee xisbiga Kulmiye, maadaama oo idinku imika timaadeen inaad hawshaa qabataan xisbiga wax weyn bay u tahay, waxaananu qabnaa hawshii socotay dhamaystirkeeda inaad idinku qurbe-joog ahaan leedihiin oo aad qayb weynna ka qaadan kartaan. Musharaxiinta xisbigu maalmaha ol’olaha hadhay gobollada qaar ayay tagayaan, waa inaad raacdaan gaar ahaan qofkastaaba gobolka uu kasoo jeedo ee dadkooda ay ku xidhan yihiin, isla markaana uu ol’ole xoog ah ka galo, dadka reer Somaliland-na in badan baan weli go’aan gaadhin oo ku go’aan qaadanaysa sida hadba looga ol’oleeyo, sida looga hawl-galo, sida wax loogu sheego, sida codka loo weydiisto iyo sida loo baryo ee loo tuso in loo baahan yahay.”

Sidoo kale Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa si gaar ah Muraaqibiinta iyo hawl-wadeennada kale ee Qurbe-joogga ah ku dardaaray doorkooda shaqo ee maalinta doorashada, isla markaana farta ugu fiiqay jaanisyo badan oo loo baahan yahay inay ka faa’iidaystaan, kuna hantaan codka bulshada Somaliland eek u dhaqan dhamaan gobollada iyo deegaamadooda. “Dadka muraaqibiinta ah oo tiradoodu tahay 1642 (kun iyo lix boqol afartan iyo laba) magacyadoodii bishii dhamaatay 18-keedii ayaanu Komishanka u gudbinay, inta nasiibka u heshay inay ka mid noqdaan marka laga yimaado inta aan nasiibka u helin waxa jira wax weyn oo ay qaban karaan , waayo dadka goobta jooga ee ilaalinaya wax aka muhiimsan dadka soc-socanaya ee hawlaha ka qayb qaadanaya, saddexda xisbiba waxay yeelan doonaan dad ay Komishanku ogolaadaan oo la siin doono warqad dhaqdhaqaaq oo ay ku socdaan maalinta doorashada, markaa weli Komishanku intii ay xisbiga u ogolaayeen may soo gudbin, waxaana la siin doonaa ama dadka ugu badan ee aanu siinaynaa 80% waa qurbe-jooga. Hawsha inoo taala maalmaha doorashada ka hadhay guusha aynu doonaynaa maalmahaasay ku xidhan yihiin, maalmaha hadhay oo aynu habeen iyo maalinba seexan weyno oo aynu is-haleeli wayno oo qof weliba halkha uu joogo uu ka guntado ayaynu guusha ku gaadhi karnaa.” ayuu yidhi Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply