Khubarro Caafimaad Oo Soo Saartay Dawooyin Lagula Dagaalami Karo Buurnida

0
458

Khubarro ka tirsan  Baylor Medical College  oo ku yaala wadankaasi Maraykanka ayaa soo saaray dawooyin ay sheegeen inay kula dagaalami doonaan Buurnida, iyaga oo yaraynaaya dheecaanka loo yaqaano Esperozine oo ah mid jidhku soo daayo marka uu gaajoodo.

Dheecaankan ayaa keena siday sheegeen in uu bato oo qofku gaajoodo, kadibna cunto badan cuno, taas oo ugu dambayn ka dhigta qofka mid aad u buuran, waxaanay dawooyinkani ka dhigi doonaan siday khubaraddani sheegeen mid jidhku soo daayo hadba inta loo baahan yahay ee jidhku u baahan yahay.

Khubaraddan ayaa dawooyinkan soo saaray kadib markii ay sameeyeen daraasad dhinaca caafimaadka ah oo ay ku eegayeen dhibaatadda Buurnida iyo qofka oo si xad dhaaf ah u naaxaa ku hayso dadka Maraykanka, waxaanay ogaadeen in ay jiraan dad aad u badan oo Buurnida iyo culayska fuulay uu ku keenay inay yeeshaan Wadne Xanuun badan.

Dheecaankan Esperozine ayaa caan ku ah in uu cariyo dheecaanadda kala duwan ee keena inuu qofku si xoogan u gaajoodo, kaas oo ugu dambayn ku khasba qofkaasi inuu si xad dhaaf ah u cuno cunto badan, waxaanu inta badan noqdaa laba nooc oo kala ah AgRP  oo cariya Omateedka iyo  POMC oo isna siyaadiya dheecaanada la soo daynaayo ee keenaaya gaajada.

Kooxdan Caafimaadka ah oo qoraal ku daabacday wargeyska Washington Post oo uu wargeyska Dawan qormadan kasoo xigtay ayaa tilmaantay in dawooyinkani yihiin kuwo aan waxyeelo u geysanayn nafta qofka, sidoo kalena waxay sheegeen in dawadani ay xadidayso dheecaanadaasi .

Dawooyinka ayaa hadda qaybo kamid ah la sameeyey, iyada oo la tijaabin doono dhowaan, laguna fidin doono wadankasi Maraykanka iyo wadamada Kale ee jaarka la ah.

 

Leave a Reply