Xisbiga Waddani oo Ololahiisa ku soo Afjaray Bannaan-baxyo ay ka Dhigeen Dalka

0
390

Hargeysa(Dawan)- Kumanaan  ka mid ah  taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani,  ayaa isugu soo baxay fagaareyaasha gobollada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland maalinta 7-aad ee xisbiga Waddani ahna maalintii u dambeysay ololaha doorashada Madaxtooyada Somaliland ee November 13 2017.

Xisbiga Waddani ayaa cuddudiisa si laxaad leh u muujiyay waxaana fagaareyaasha isugu yimid jamaahiirtooda ee astaamaha iyo calanka liimiga ah ku gaashaaman. Madaxda xisbiga ayaa khudbadahoodii u dambeeyay ee ololaha u jeediyay kuna booriyay in ay isbeddelka Waddani hoggaaminayo taageeraan kana tuuraan talada xisbiga Kulmiye.

Murrashaxa  Madaxweynaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro,  ayaa kumanaan taageerayaashiisa ah oo isaga yimid daafaha caasimadda Hargeysa kala qaybgalay debaal-degga Beerta Xorriyadda Hargeysa, isaga oo markii dambena degaanno ka tirsan gobolka Hawd oo uu u khudbadeeyay. Murrashax  Cirro ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay beerta xorriyadda Hargeysa kuwaas oo uu kula dardaarmay taageeridda xisbigooda.

 

 

Musharrax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in 21 cisho oo ololaha doorashadu socday iyo socdaallo uu dalka ku maray uu ka dareemay in rabitaanka shacbigu yahay in Kulmiye talada dalka laga wareejiyo “Somaliland kharriidadeeda meelkasta iyo gobol walba waxa ka muuqday calanka iyo astaanta liimiga ah ee isbeddel doonka ah. Walaalayaal marka aan ka qiyaas qaatay isu soo bixiinan(Hargeysa) oo isu soo bax la mid ahi ka jiro gobolka Awdal, gobolka Saaxil, Gobolka Togdheer, gobolka Sool iyo gobolka Sanaag xaqiiqadu waxay tahay in shacbigu doonayo Kulmiye in la bedelo. Waxa caddaatay in aanu shacbigu qaybsanayn oo aanu ahayn Waarso iyo Naato oo aanu ahayn Jeegaan ee uu yahay shacbi midaysan oo Giraan ah, waa shacbi ku midaysan dareenkiisa. Walaalayaal waxa xusid mudan dareenka ka jiray gobollada darafyada ee Sool ka jiray ee Sanaag ka jiray ee Awdal ka jira, waxaanu soo aragnay ummad aan qaybsanayn, ummaddaasi hal mid ayay ku midaysan tahay oo ah Beddaluu Badaluu Beddaluu,” ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

 

 

Murrashaxa  xisbiga Waddani oo daba socday wax uu ugu yeedhay waraaqo been abur ah oo wax lagaga sheegay muddadii ololuhu socday, wuxuu yidhi; “ Waxaan leeyahay Xamar lagu tartami maayo ee Hargeysa ayaa lagu tartamayaa ee shacbiga u soo bandhiga waxa aad ka iibinaysaan. Waxaan leeyahay arrimahaasi waa garaadkooda. Walaalayaal aniga iyo xisbiga Waddani midna ma aamminsana in Beel ama Koox Somaliland ka mid ah ay u shaqayso Soomaaliya. Xisbiga Waddani waxa uu aamminsan yahay in shacbiga Somaliland yahay dad walaalo ah oo leh xuquuq siman. Ma dhici karto in la yidhaahdo beel baa beel loo baryay ama qof baa qof loo baryay, waxaynu doonayna in aynu abuurno shacab awoodaha  xilalka dalka iyo khayraadka u siman. Waxaan leeyahay wax walba oo aad samayn karayseen waad samayseen laakiin, ma badbaadin kartaan doon degaysa ee wax ku qaata dareenka shacabka. Waxaan baaq u diraya New Kulmiye iyo Faysal oo aan leeyahay haddii aydaan tartami karayn dee iska tanaasula,”

 

“Xisbiga Waddani hanti kasta oo dalku lahaa oo sifo sharci darro ah ku baxday gacanta shacbiga lagu soo celin doona. Annaga oo og shaqo la’aanta baahsan muddo xileedka hore ee 5-ta sanno xisbiga Waddani waxa uu abuurayaa 15000 shaqo. Waxaanu dejinay qorshe wax lagaga qabanayo sixir bararka laguna kordhinayo dhaqaalaha laguna dhiiri gelinayo maalgashiga. Biyo la’aanta Hargeysa waanu dawaynayna oo biyo ku filan ayaanu caasimadda u keenayna. Somaliland waxaanu u caddaynayna in aanu Musuqmaasuqa la dagaallamayno si dulqaad la’aan ah. Waxaanu adkayn doona amniga Qaranka. Amniga Somaliland marnaba gorgor tagan ma galayo. Dalalka dariska waxaanu kula noolaanayna nabad iyo daris wanaag, waxaanuse uga digayna in ay  faro geliyaan doorashada madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ama ay ku kacaan tallaabo kasta oo wax u dhimi karta amniga iyo jiritaanka Somaliland,”  ayuu yidhi murrashaxa xisbiga Waddani.

 

.

Geesta kalena Hoggaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa tobanaan kun oo jamaahiirta liimiga ah kula hadlay fagaaraha magaalada Burco oo ay camireen “Reer Somaliland maaddaama ay codkooda soo bandhigeen oo muujiyeen waynu guulaysanayna maxaase loo baahan yahay? Marka la coddeeyo ayaa lagu gaadhayaa guusha, maaha isu soo baxa, sawaxanka iyo qaylada waxa lagu gaadhayo guushu. Qolada reer Kulmiye ee dadka inta ay Basaska ku soo guraan moodaya in sidaas lagu guulaysanayo waxaanu leenahay waa kuwa dadkii si toos ah halkaas u tuban. Waa dadkii reer Togdheer oo cid walba leh, koone walba ka yimid, doorashadooda ku yimid oo aan cidi lacag siin. Qolada Kulmiye waxaan leeyahay waa la codaynaya oo ololihii dhammaaye qaska inaga ilaaliya. Waxaa durba idinka muuqata in aad cadhooteen, waxa durba idinka muuqda in aad salbabakhdeen, waxaa idinka muuqata in durba degenaanshihii idinka lumay, yaanu degenaanshuhu idinka lumeeen. Ciyaarta waxa loo soo diyaar garoobaa marka hore, waa la qorshaysta oo istiraatijiyad iyo qorshe aad ku guulaysto ayaa loo sameeya ee habeen iyo maalin wax lagu seexdo maaha idinkuna cannaanta iska daaya dalkana qaska ka daaya,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Xirsi.

 

Ololaha doorashada Somaliland ayaa ahaa mid xamaasad leh oo si weyn looga dareemayay guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka waxaana loo dareeri doona codbixinta la soo dhammeeyay dhoollatusyadeedii ololaha ee lagu soo hirdamay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply