Suxufiyiin la Guddoonsiiyey Abaal-marinta CAWKE MEDIA AWARD

0
340

Hargeysa (Dawan) – Waxa Khamiistii Doraad Magaalada Hargeysa lagu qabtay Xuska Maalinta Saxaafadda Somaliland oo Sannad kasta la qabto 9-ka bisha November.

Xuskan oo uu ku lamaanaa Abaal-marinta Cawke Media Award oo Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo soo qaban-qaabiyey Guddoonsiiyey Suxufiyiin ku tartamay Barnaamijyo ay ka diyaariyeen Arrimaha Bulshada, ayaa waxa ka qayb-galay Musharax Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Musharraxa Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo ugu horreyn halkaa ka hadlay ayaa ka warramay dedaalka ay urur ahaan ugu jiraan Horumarinta Suxufiyiinta, isagoo xusay inay wax kasta oo ku qaadayso u marayaan.

Guddoomiye Xuuto wuxuu sheegay inay Xukuumadda dhalan doonta waydiisanayaan inay u dhisto Machadka Saxaafadda, isagoo xusay in Dhulkii laga dhisi lahaa Machadkaasi uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo bixiyey.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) wuxuu sheegay in tartanka saxafiyiinta qaarkood Abaal-marinada la guddoonsiiyey ay uga gol-leeyihiin dhiirigelinta Saxafiyiinta.

Musharraxa oo halkaa hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay sida saxaafadda iyo siyaasiyiintu u yihiin laba mihnadood oo aad u adag, isla-markaana ay lagama maarmaan tahay in saxaafaddu ay xoogga saaraan kobcinta garaadka bulshada iyo inay soo bandhigaan wixii qaldan maankana ku hayaan masuuliyadda ka saaran mihnadooda.

Musharruxu wuxuu si gaar ah uga hadlay Alle ha u naxariistee Aabbihii Saxaafadda Somaliland Maxamuud Cabdi Shide oo Maalintii uu Geeriyooday loo asteeyay Xuska Maalinta Saxaafadda Somaliland iyo Marxuum Cawke oo SOLJA u ugu Magac-dartay Abaal-marin la siiyo Suxufiyiinta sameeya Barnaamijyada wanaagsan ee khuseeya Arrimaha Bulshada, waxaanu yidhi “Labada marxuum ee midna aasaaska saxaafadda leeyahay, midna abaal-marinta loogu magac-daray, labadaba aad baan u aqaanay oo hawl wanaagsan bay qabteen, waanay mudan yihiin magacooda la xuso oo lagu daydo, dadka inaga dhintay ee saxaafadda ahina way badan yihiin, waanay mudan yihiin in iyagana la xuso.”

Murrashaxa jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna mahad-naq iyo amaanba u soo jeediyay wasaaradda warfaafinta oo uu tilmaamay inay si dhexdhexaadnimo ah u hawl-galeen, isla-markaana ay axsaabta siyaasadda ay u caddaalad sameeyeen. Waxa kale oo uu sheegay inuu rejaynayo in doorashadu si wanaagsan oo nabad-gelyo ah ay u qabsoonto “Adduunka waxaynu tusaynaa Somaliland inay ka duwan tahay Afrika iyo waddamada la jaarka ah oo aynu galayno doorashadii lixaad Insha Allaah oo nabad inoogu dhici doonta.”

Maareeyaha Telefishanka Qaranka Somaliland Khadar Maxamed Cakulle ayaa sheegay in caddaalad samaynta axsaabta qaranka uu ahaa amarkii uu bixiyay Madaxweynuhu oo ay raaceen, kuna shaqeeyeen, isla-markaana aanay jirin cid ku soo faro-gelisay hadday tahay Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo Xukuumaddaba.

Ugu dambayn, waxa halkaa Abaal-marino lagu guddoonsiiyey 7 Xubnood oo ka mid ah illaa 30 Suxufi oo ka qayb-galay Tartankaasi, kuwaasi oo War-bixinno ka qoray Qodobbo khuseeya Arrimaha Bulshada, waxaana Xubnaha Abaal-marinnada la guddoonsiiyey ka mid ahaa:- Nasiim Maxamed Muuse oo Tv-ga Qaranka ka socotay, Kaalinta Labaadna waxa galay Khaalid Ismaaciil Foodhaadhi oo ka socday SAAB Tv, Kaalinta saddexdaadna waxa galay Mubaarik Fu’aad Dhagacadde, dhinaca Idaacadda kaalinta koowaad waxa galay Maxamed Cabdi Qalinle oo ka socday Radio Hargeysa, Wargeysyada ama qoraalkana kaalinta koowaad Khadar Maxamed Xaashi oo ka socday Wargeyska Dawan, halka kaalinta labaadna ay gashay Sagal Cabdiraxmaan Maxamuud oo  iyana ka tirsan Dawan Media Group.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply