Madaxweynaha Faransiiska oo Socdaal Kedis ah ku Tegay Sucuudiga

0
391

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in uu carrabka ku adkayn doono ahmiyadda degenaanshaha Lubnaan isaga oo billaabay booqasho aan horay loo sii qorshaynin oo uu Sacuudiga ku tagay.

Arrintan ayaa imaanaysa ka dib markii uu Sabtidii is casilay ra’iisulwasaarihii Lubnaan Saad Hariri isaga oo ku sugnaa magaalada Riyadh, isaga oo sheegay in uu naftiisa u baqay.

Arrintan ayaa durba dhalisay in laga shakiyo in Sucuudigu uu caddaadis ku saaray is casilaaddiisa.

Macron ayaa sidoo kale sheegay in uu hogaamiyeyaasha Sacuudiga kala hadli doono dhibaatada Yemen ka taagan, ka dib markii xulafada uu Sucuudigu hogaaminayo ay xidheen dhammaan marinnadii galayay dalkaas dagaallada la daalaa dhacaya.

Go’doominta ayaa dalka Yemen la saaray Isniintii ka dib markii gantaal laga soo riday lagu bartilmaameedsaday magaalada Riyadh. Waxaa la sheegay in gantaalka lagu qabtay meel u dhaw caasimadda Sacuudiga.

Sacuudi Carabiya ayaa gantaalka ku eedaysay malayshiyada ay Iiraan taageerto ee Xisbullah.

Qarammada Midoobayna waxay ka digtay “in Yemen ay wajahayso macaluushii ugu ba’nayd ee adduunka soo marta tobannaan sano” haddii aan go’doominta laga qaadin oon la soo celinin gargaarkii dalkaas la gaynayay.

 

Dhanka kalana, Sacuudi Carabiya ayaa Khamiistii muwaadiniintiisa ugu baaqday in ay dalka Lubnaan uga baxaan sida ugu dhakhsaha badan.

Dad badan oo reer Lubnaaan ahna waxay ka cabsi qabaan in dalkooda uu soo wajahay dagaal gudo wayn oo ay ku lug leeyihiin Sacuudiga oo ah dalka ugu tunka wayn dalalka Suniga ah iyo Iiraan oo Shiicada hogaamisa ahna dalka ugu wayn ee ay Sacuudiga isku hayaan gobolka.

Isaga oo ka hadlaya Isutagga Imaaraadka Carabta wax yar uun ka hor markii uu Sacuudiga ka dagay ayuu Macron sheegay in uu kulan fool ka fool ah la gali doono Amiirka dhaxalka Sacuudiga leh Maxamed bin Salmaan.

Leave a Reply