Edna Aadan oo Doorashadii Madaxtooyada ku Sifaysay Mid Aan Hore uga Dhicin Afrika

0
409

Hargeysa (Dawan):  Dr. Edna Aadan Ismaaciil, ergayga gaarka ah ee jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan wada hadaladda Soomaaliya  ayaa murrashaxiinta  saddexda xisbi qaran u soo jeedisay in kii lagaga   guulaysto  doorashada uu hambalyeeyo.

Dr. Edna Aadan,  waxay ka marag kacday in doorashadii Somaliland ka dhacday Isniintii   aanay doorasho ka wanaagsan   abidkeed arag, iyadoo   waalidiinta reer Somaliland ugu baaqday in  caruurtoodu aanay qarankan dhibaato u horseedin si aanay u lumin dedaalkii loo galay dib ula soo noqoshada qaranimadda.

Edna  Aadan Ismaaciil, oo shalay shir jaraa’id ku qabatay magaaladda Hargaysa waxa kaloo ay sheegtay in doorashadii Isniintii Somaliland ka dhacday  mid la mid ah aanay hore uga dhicin wadamadda qaaradda Afrika, isla markaana goob joogeyaashii beesha caalamku ka markhaati fureen in ay si wanaagsan u dhacday.

Waxaanay  tidhi “Nidaamkii quruxda badnaa, nidaamkii aad arkaysay inuu ku dheehnaa  u diyaargarow badan, ee suuragaliyay inay dhacdo doorashadii quruxda badnayd, ee inteena joogtay dalkee-na Somaliland ee codaynaysay iyo kuwii daawanayay-ba  dhammaantood isku wada marag fureen inay ahayd doorashadii ugu quruxda badnayd ee ugu nidaamka wanaagsaneyd, ee ugu nabad-galiyada badneyd, ee abidkeed ka dhacda qaaradan Afrika. Waa  mid aynu ku faanayno, waa mid aynu dhammaanteen ku soo dhacsanay wada jir”.

Edna  ayaa  fariin u dirtays  waalidiinta iyo dhalinyaradaba in ay ka fogaadaan waxyaabaha carqaladda keeni kara inta ka horaysay ku dhawaaqidda  natiijadda doorashadda. “Uga  baqan maayo Somaliland  nin 20-jir,  30-jir  ama   40-jir ah a iyo mid 60-jiratoona.  Waxaanan   ku dardaarmayaa, caruurta yar yar toban jirada ah, ee 11-jirada ah, ee waxan inaga lumaya aan garanaynba, in waalid walba ilmihiisa hadii uu wiil yahay iyo haday gabadh tahayba, uu xakameeyo, oo uu ka ilaaliyo in wiil yar ama se gabadh yari ay dhagax meel ku tuurto” ayay tidhi Dr. Edna Aadan.

Geesta kale Dr. Edna  waxay musharixiinta saddexda xisbi ugu baaqday in ka hela ma ahee  labada kale ugu hanbalyeeyaan.  Waxaanay  tidhi   “Natiijadu qaybtii ILLAAHAY (SWT)  sameeyay ayay noqonaysaa, saddexda nin ee tartamayay saddex meel kale ka yimid may aheyn, ee waxaa ay ahaayeen saddex nin oo mudakar ah, oo loogu codeeyay doorasho xor iyo xalaal ah.

Mid  aynu neceb nahay iyo mid aynu jecelahay, midna kuma jiro, waa inamadeeni waa rageeni, waa hogaamiyayaal, waa madaxdii Somaliland ee u qalmeysay inay qarankan hogaamiyaan, hase ahaate tartan walba mid baa soo baxa, kii helana waynu u hanbalyaynaynaa, labada kale waxaanu iyagana ka codsaneynaa inay u hanbalyeeyaan”.

Edna Aadan oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi   “Wararkan dadku isla dhex marayaan wax rasmiya ma aha, xisbi  hebel baa   badiyay iyo hebel baa laga badiyay toona.  waxaasi waa kuturi kuteen,  warka rasmiga ah  komiishanka ayuu ka soo baxayaa.  waxaanu imanayaa marka kun iyo lix boqol iyo laba iyo afartan la tiriyo, oo xisbiyada hortooda lagu tiriyo qof waliba-na ka markhaati kaco inuu goob joog ka ahaado”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply