Saacad Jirta 2000 Oo Sanno Oo Markii Ugu Horeysay La Helay ,Lana Soo Bandhigay

0
347

Khubarro ka socotay jaamacadda Cambridge ayaa heshay saacad ay sheegeen inay jirtay 2000 oo sanno, taas oo la isticmaali jiray waqtigii ay wadamo badan oo dunnida ah ka talin jirtay boqortooyadii Roomaan-ku. Saacaddan ayaa laga helay wadanka Talyaaniga gobol kamid ah, sida ay khubaraddaasi sheegeen waxay aad uga duwan tahay saacaddaasi kuwa aynu waqtigan isticmaalo, iyada oo aad uga weyn , tiradda ay ku qoran tahay iyo habkeeda waqti tilmaameedna ka duwan yahay.

Waxaana saacaddan laga helay meel u dhow Tiyaatar qadiim ah oo ay hore u lahaan jireen saraakiishii boqortooyaddii Roomaanku, taas oo ku taala magaalada lagu magcaabo  Interamna Lirenas, iyaga oo khubaraddu intaas ku daray in laga yaabo in uu lahaan jiray  Marcus Tobli oo ahaa siyaasi caan ka ahaan jiray boqortooyadaasi Rome .

Saacadan oo noqotay waqtigan mid dhoobo ah ama ciid badani fuushay, ayaa la dhigi doonaa Masxafka magaalada Rome, iyada oo ay dadka dalxiiseyaasha ahi u dalxiis tegi doonaan, sidoo kalena ,lagu samayn doono baadhitaan intan ka gedisan , kana faah faahsan.

 

Leave a Reply