Goob-joogeyaashii Caalamka oo ka War-bixiyay Xornimadii ay u Dhacday Doorashadii Madaxtooyada Somaliland

0
339

Hargeysa(Dawan)- Goob-joogeyaashii caalamka ka socday ee kor-joogtaynayay doorashadii madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoontay Isniintii toddobaadkan, ayaa shaaca ka qaaday in doorashadaasi u dhacday  si dimuqraadiyad ah oo aad u wanaagsan. Waxaanay dadweynaha  Somaliland ugu hambalyeeyeen sida nabadgelyada ahayd ee doorashadu  u dhacday.

Goobjoogeyaashan oo tiradoodu ahayd 60 xubnood oo  ka kala socday 27 dal, waxay sidaas ku sheegeen shirjaraa’id oo ay xalay fiidkii ku qabteen Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaanay  ka hadleen daahfurnaantii doorashada, caqabadihii jiray iyo tirada goobaha ay kormeereen.

Waxa kaloo ay shirkaas jaraa’id ka akhriyeen war-murtiyeed dheer oo u qornaa sidan:-

 

“Iyadoo laga dab qaadanayo doorashada saddexaad  ee madaxtooyada oo dhacday 13-ka November 2017-ka, waxa Hargaysa si rasmi ah u soo wada gaadhay 60 xubnood oo ah goob joogeyaasha caalamiga ah oo ay maalgelisay dawladda Ingiriisku, kuwaasoo ka kala yimid 27 waddan.

 

Waxay imika dhammaystirayaan warbixintii hor-dhaca ahayd oo ay u gudbinayaan guddida doorashooyinka qaranka, iyadoo goob joogeyaashiinna ay Hargaysa ku soo noqonayaan.

 

Dr. Michael Walls oo ka tirsan qaybta horumarinta ee jaamacadda UCL, kana mid ah Somaliland Focus waxa uu yidhi “Maalintii doorashadda, waxa aanu aad ugu faraxsanahay in aanu u soo taagnayn doorasho guud ahaan koobsatay habkii loo marayay doorashooyinka. Annagoo ogsoon in ay jiraan walaacyo aan la yaraysan Karin, haddana kuwaasi ma aha qaar wax u  dhimaya geeddi socodkii guud ee doorashadda, isla markaana waxaannu Somaliland ugu hambalyaynaynaa guud ahaan habka nabadgelyadda ah  ee ay doorashadu u dhacday, waa  tallaabo hore loogu qaaday dhanka kacaanka doorashooyinka.”

 

Maalintii codaynta, goob joogeyaashu waxay ka markhaati ahaayeen nidaamkii furitaanka, codaynta iyo xidhitaanka cel celis ahaan  350 goobood  dhammaan lixda gobol  ee Somaliland, sidoo kalena habkii tirinta codadka ayay iyadana arkeen.

 

Goob joogeyaashu  waxay hoosta ka xarriiqeen in guud ahaan goobaha codbixintu  ay furmeen, isla markaana xidhmeen wakhtigii loogu talagalay, guud ahaana waxay ku dhacday xaalad deggan, codayn si nabadgelyo ah u dhacday  iyadoo aanay jirin wax la sheego oo rebshad ama cabsi gelin ah oo la arkay.

 

Dadka codbixiyeyaasha ahi sida badan waxay u codaynayeen iyada oo wax carqalad ahi aanay ka hor imanayn. Goob joogeyaasha gudaha iyo wakiillada xisbiyadu way joogeen waxa aanay si habsami leh u wateen hawshooda, iyadoo wax carqalad ah aanay la kulmayn inta badan goobaha codbixinta ee la booqday. Inkastoo aanu ognahay in ay jireen in mararka qaar ay dhacday in goobjoogeyaal loo diiday in ay galaan goobo codbixineed ama lagu amray in ay ka baxaan.

 

Waxa aanu sidoo kale la soconnaa tiro arrimo kale oo dhawr ah oo ay ka mid tahay sheegashooyin in dad da’doodu yar tahay ay codeeyeen, in si nidaamsan sirtii codaynta laga saaray marka la eego dadka u baahnaa in laga caawiyo codaynta, in shuruucda aan si isku mid ah loo raacayn mararka qaarkood (marka lagu dari tirinta codadka lagu murmay) iyo joogitaanka iyo soo faragelin mararka qaarkood ka imanaysay ciidammada amaanka ee qaar ka mid ah goobaha la booqday, in kasta oo goobjoogayaashu aanay arkin cabsi gelin baahsan.

 

Xaddidaadda ay xaddidnayd aqoonta doorashada ee dadka loo gudbiyay ayaa laga yaabaa in ay raad ku lahayd cod bixinta iyada oo cod bixiyeyaashu ay u muuqdeen qaar aan hubin sida loo codaynayo, goobjoogayaashu waxa ay hoosta ka xarriiqeen warbixino sheegaya carqalado, tusaale ahaan sababay in la joojiyo cod bixinta magaaladda Badhan ee bariga Somaliland.

 

Guud  ahaan goob joogeyaashu waxa ay qiimeeyeen awoodda xirfadeed iyo hab-dhaqanka  shaqaalaha doorashada oo guud ahaan ahaa mid wanaagsan, waxa aanu Somaliland ku hambalyaynaynaa qabashadda doorasho guud ahaan ahayd mid si nabagdleyo ah  ku dhacday, isla markaana si wanaagsan loo nidaamiyay. Goobjoogayaashu waxa ay soo saari doonaan warbixintoodda kama danbaysta ah qaybta hore ee sannadka 2018-ka.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply