Wararkii u Dambeeyay ee Tirinta Codbixintii Doorashada & Baaqa Komishanka

0
534

Hargeysa(Dawan)- Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa ka hadlay halka ay marayso tirinta codadkii laga dhiibtay doorashada Madaxtooyada isla markaana uga digay warbaahinta online-ka ah in ay warar been abuur ah oo natiijo aan ka  iman komishanka Doorashooyinka in ay faafiyaan oo ay warar khaldan dadka u gudbiyaan.

Waxa kaloo ay  bulshada uga digeen  inay war xaqiiqo ah u qaataan war kasta oo doorashada la xidhiidha oo aan ka soo bixin guddiga Doorashooyinka,waxaanay intaa ku dareen guddiga doorashooyinku in cabashooyin ay jiraan laakiin ay aad u yar yihiin.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka qaranka Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo ka hadlayay kulan warbaahinta ay guddigu kula hadlaysay oo ay ku qabteen Xarunta guud ee  komishanka shalay,ayaa sheegay in dhammaan sanaaduuqdii codadka dadweynuhu ay dhiibteen ay ku jiraan in ay marayaan talaabadii labaad,waxaannu yidhi; “Waxaan idinku war-gelinaynaa in 1642 (kun lix boqol iyo laba iyo afartan) kii gooboobdba ay ku soo hoydeen degmooyinkii ay markii hore ka baxeen, waxaana so qaaday gaadiidkii markii horeba qaaday,si nabad gelyo ah oo aan baabuur wax ka noqon ama aan roob xidhin ama aan dhibaato kale ku dhicin ayay ku soo dhammaan 1642 gooboodba way soo gaadheen degmooyinkoodii 21 degmo doorashoba maanta(shalay) way shaqaynayaan tiradii ayay bilaabeen sanaaduuqdii ayay fureen,waayo waa la soo tiriyay.”

Guddoomiyuhu wuxuu intaas ku daray;  “Si aynu u aragno  ama uga war hayno marxalado ayaynu marinaa tirada,marxaladahaas oo ah  taxadar isla markaana marxaladiba marxalad saxdo,goobtii waa laga soo saxay guddoomiyihii goobtu wuu soo saxeexay muraaqibiintii xisbiyadu way soo saxeexeen intooda badan ,hadday cabasho jirtana wuxuu saxeexayaa cabashadii foomkaa cabashadina wuu soo raacay iyagoo wada jiray soo gaadheen degmadii tirintiina way bilaabantay marka laga reebo degmada Hargeysa oo waad ogtihiin oo degmada Hargeysa waa degmada ugu baaxada weyn markaa xaruntan degmada ayaanu xalay (Habeen hore) ku soo wada xaraynay shaqaaluhuna soo seeday shaqaalaha degmada dibedeeda ka yimina uu badan yahay aadba ay u daaleen,waxaanu  ugu talo galnay in ay gaabyar soo seexdaan oo ay waxoogaa soo nastaan markay soo nastaana galabta(shalay) la bilaabo.warkuna wuxuu yahay in ay bilaabantay tirinta xaqiijinta tiradii goobta ka timi ee rasmiga ahayd oo ah haddii qalad jirona halkaa lagu saxayay haddaan qalad jirina halkaa lagu marinayay.”

Guddoomiyaha Komishanku wuxuu hadalkiisa ku daray oo uu intaa raaciyay. “Sanaaduuqda qaarna waa kuwo la soo daayay  oo waliiladii xisbiyadu saxeexeen oo ay yidhaadhdeen tirade halkaa ku jirta waanu ku kalsoonahay,qaarna waa qaar cabasho ka timi ama xisbi cabasho ha ka timaado ama laba xisbi cabasho haka timaadee waa qaar cabasho ka timi,markaa cabasho hadday jirto sanduuqa laga cawdo degmadu meel gooniya ayaa la dhigayaa,laakiin cabashadu aad ayay u yartahay oo nidaamkan aynu raacnay ayaa cabashada yaraynayay.

Imika wixii ka dambeeyana waxaanu u sheegi doonaa degmo degmo oo marba degmadii soo dhammaata ayaanu ku dhawaaqi dooonaa,markay degmooyinka ka  soo dhammaatana waxay u soo gudbi doonaan gobolladoodii oo lixdii gobol doorasho ayay imanayaan arrintaasoo dhan.Waxaannu uga danleenahay  waxaynu ka hadlaynaa waa masiirkii dalka waa doorasho Madaxweyne markaa si taxader leh   oo aanay wax innagaga soo noqon ayaynu hawsha u wadaynaa markaa idinkana  (warbaahinta) waxaanu idinka codsanaynaa in aad nala jaan qaadaan oo aydaan naga dheerayn,hanaga dheeraynina nala socda warka rasmigiisuna waa ka ka soo baxa gudigga doorashooyinka.waa warka afkayaga ka soo baxa.”

 

“Durba waxaannu maqlaynaa oo nasoo gaadhaya warar lagu faafiyay shabakadaha,  markaa waxaannu warbaahinta iyo bulshadaba ka codsanaynaa in aan nalaga deg degin oo warka rasmiga ahi uu yahay ka aanu sheegno oo keliya waan in aan komishanka laga hor deg deign haddii laga hor deg degana waxay keenaysaa cawaaqib xumo waana taanu ka hor tegaynay markii aanu xidhaynay baraha bulshada ee aanu ka codsanay shirkadaha adeegga Internetka inna siiya in ay intaa naga hakiyaan sababta aanu u xidhaynayna waxay ahayd in aanu  ka ilaalino haba yaraatee  wax turxaan ah oo soo dhex gala doorashadeena oo carqalaydayn kara,waayo? Hadday soo dhex gasho oo ay carqalayso nolosheenii ayay saamayn ku yeelanaysaa,”ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiqaadir Iimaan.

 

 

 

Afhayeenka komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland Siciid Cali Muuse,ayaa isna sheegay haddii aanay wax cabasho  ahi aanay ka iman doorashada Madaxtooyada Somaliland in ay maalmo kooban ka dib ku dhawaaqi doonaan natiijada kumeel gaadhka ah ee doorashada Madaxtooyada Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here