Muqdisho(Dawan)- Dawladda itaalka daran ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in doorashadii madaxtooyada ee ka dhacday Somaliland isniintii 13-ka Bishan November, ay ahayd mid si nabadgelyo ah u dhacday oo ka dimuqraadisanayd xataa doorashooyinka dalalka reer galbeedka qaarkood.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-murtiyeed ay ka soo baxay shir gaar ah oo shalay golaha wasiirrada Soomaaliya ku yeesheen Muqdisho oo uu guddoominayay Ra’iisul-wasaare Xasan Cali Khayre.
“Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa dhegeystay warbixin la xidhiidha doorashooyinka ka socda Somaliland iyo ololahii ballaadhnaa ee doorashada ka sii horeeyay,”ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay shirka Golaha Wasiirrada Muqdisho. “Golaha Wasiirradu waxay aad u ammaaneen isla markaasna ay hambalyo u direen doorashooyinka Somaliland oo si nabad ah u dhacay, kuna tilmaamay doorashooyin si dimoqraadiyad ah u dhacay oo xitaa ka fiican waddamada galbeedka qaarkood,”ayaa lagu yidhi qoraalkan, waxaanay ku baaqeen in laga dhursugo natiijada ay soo saarayaan guddida doorashooyinku; “Golaha ayaa sheegay inay habboon tahay in warbixinta rasmiga ah laga sugo guddiga doorashooyinka oo cidii ku guuleysata la soo dhoweeyo lalana shaqeeyo.”
Dawannews Hargeysa office





















