Komishanka oo Xisbiyada uga Digay Inay Dabaal-degaan Natiijada Doorashada ka Hor

0
378

Hargaysa (Dawan)- Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa uga digay xisbiyada  siyaasadda in aanay samayn Karin wax dabaal-degyo ilaa inta natiijada rasmiga ah ay soo saarayaan.

Waxay sheegeen in xisbiyada qaarkood ay sameeyeen dabaal-degyo iyo sidoo kale waddamada dibadda in jaaliyadaha Somaliland ee nool ay iyaguna dabaal-degeen.

Afhayeenka guddiga doorashooyinka Siciid Cali Muuse, oo shalay warbaahinta kula hadlay xarunta komishanka ayaa sheegay in  aanay u dul-qaadan doonin cid kastoo ku kacda waxyaabo khal-khal ku keeni kara dalka iyo bulshadaba.

“Waxaa jira warar soo baxaya oo aanu hore ugaga dignay xisbiyadda, wararkaas oo ah in xisbiyadu ay samaynayaan  dabaal-degayaan oo xisbi  kastaaba uu leeyahay anaga ayaa doorashadda ku guulaysanay. Taasi mid komishanka ka soo baxday ma aha, tiro aanu ku dhawaaqnayna ma aha, mid loo dul qaadan karanayana ma aha in dadka la majaro-habaabiyo  oo warar been ah laga dhergiyo. Wararkaasi waxyelo maahee, waxtar ma laha. Waanu ka dignay imikana waanu ka degaynaa”ayuu yidhi Siciid Cali muuse.

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Waxaa na soo gaadhay in xataa wadamadda dibadda qaarkood oo ka baxsan Somaliland in laga dabaal-degay,  sida Yurub,  Carabta, Australia iyo Maraykan-ba. Dadkaasi ma aha dad jooga Somaliland oo war u haya wax aka taagan. Waxaanu iyagana uga digaynaa oo aanu leenahay dadkiina dibadda joogoow, wararka  beenta ah  ee aad fidinaysaan, xafladaha aad qabanaysaan iyo sawirrada aad baahinaysaan. Wax aad wadanka u taraysaan ma jiraan, wax aad yeeshaan maahee.

Haddii aad doonaysaan in aad waddanka kharibtaan, waalidkiin ayaa jooga,  walaalihiin ayaa jooga, hooyooyinkiin ayaa jooga, yaad baabiinaysaan markaa?. Markaa waxaanu idiinka digaynaa in aad joojisaan faafinta wararka beenta ah.”

Sidoo kale af-hayeenka komishanku waxa uu digniin u diray dadweynaha gudaha dalka ku nool oo la sheegay in xaflado dabaal-degyo ah qabsadeen.  “Bulshadda gudaha dalka ee la sheegay in ay hudheeladda xafladaha ku qabsadeen, waxaanu uga digaynaa mar labaad in ay joojiyaan waxyaabaha ay wadaan oo ay ku ekaadaan in ay sugaan natiijadda   komishanka doorashooyinka qaranka  ka soo bixi doonta.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply