Baarlamaanka Ingiriiska oo Lagaga Hadlay Dimuqraadiyada Doorashadii Somaliland

0
526

London (Dawan)- 48 saacadood ka dib markii   si  daahfuran oo nabdoon   ay doorashadii saddexaad ee madaxtooyadu  uga qabsoontay Jamhuuriyadda  Somaliland, ayaa  dimuqraadiyada ka jirta  Somaliland   lagu soo qaaday fadhi  uu yeeshay  Baarlamaanka Ingiriisku shalay.

 

Xildhibaan Zac Goldsmith, oo ka tirsan baarlamaanka UK, ayaa  hadal uu ka jeediyay fadhigaas oo Wargeyska Dawan soo turjumay, wuxuu   ku  sheegay in doorashadii madaxtooyada Somaliland  u dhacday si nabadgelyo ah oo  xor ah. Iyadoo  kulankaas ay  goobjoog ka ahayd  Ra’iisul-wasaaraha Ingiriiska Mrs. Theresa May.

 

Xildhibaankan oo laga soo doortay degaanka Richmond Park ee magaalada London, wuxuu dimuqraadiyada ka jirta Somaliland barbar dhigay  xiisada ka taagan doorashadii Kenya iyo qalalaasaha waddanka Zimbabwe.

“Iyadoo aynu ka duulayno waxa ka taagan  Zimbabwe iyo qaska ka dhashay doorashooyinka Kenya, sidaas awgeed  Ra’iisul-wasaare,  ma igu raacsan tahay  inaynu xusno  guusha weyn  ee Somaliland ay ka gaadhay  doorashadii ka dhacday oo komishanka doorashooyinku ay qabteen doorasho ay goobjoogayaashii caalamiga ahaa  caddeeyeen inay ahayd mid  u hirgashay si nabadgelyo ah, xor ah  isla markaana si  daahfuran oo adag loogu tartamay,”ayuu yidhi Mudane Zac Goldsmith.

Waxa kaloo uu u soo jeediyay dawladda Ingiriiska inay  ay kala shaqeyso xukuumadda  cusub ee Somaliland ololaha cidhibtirka gudniinka fircooniga ah ee ay dawladda UK doonayso inay  wax kaga qabato halista  gudniinka fircooniga ahi ku hayo adduunka oo dhan.

 

Dawladda Ingiriiska ayaa bixisay kharashka goobjoogayaasha caalamiga ah ee ka korjoogtaynayay doorashadii madaxtooyada, kuwaasi oo tiradoodu ahayd 60 khabiir oo ka kala socday 27 dal.

Sidoo kale waxa Ingiriisku ay Somaliland ka saacidaan taabogelinta hannaanka dimuqraadiyada Somaliland illaa sannadkii 2002-dii oo doorashadii u horreysay ay ka dhacday Jamhuuriyadda Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here