Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 13-kii bishan, waxaannu beesha caalamka ugu baaqay inay tixgaliyaan rabitaanka shacabka Somaliland.
Dr. Sacad waxa uu sidoo kale bulshada reer Somaliland ugu mahadceliyay qaabkii wanaagsanaa ee nabad-gelyada ahayd, ee ay codadkooda uga dhiibteen doorashada, taas oo uu xusay in ay ahayd wax lagu faano, isla markaana ay goobjoogayaasha caalamku markhaati ka yihiin geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland.
“Waxaan halkan ka bogaadinayaa oo aan u mahad celinayaa bulshaweynta reer Somaliland, gaar ahaan dadkii codkooda bixiyay, sidii wanaagsaneyd ee ay u soo baxeen, nidaamkii u ilaaliyeen, nabada u ilaaliyeen, u samreen, ee ay codkooda u dhibteen, waxaan xusayaa guddida doorashooyinka, ciidammada amaanka taageerayaasha asxaabta, madaxda asxaabta, maamulada gobollada iyo degmooyinka, sidii wanaagsanayd ee mid waliba xilkiisa u gutay,” ayuu yidhi wasiirka oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa.
Dr. Sacad waxa uu xusay in safarka ay goobjoogayaasha caalamiga ahi ku tageen lixda gobol ee Somaliland ay ka markhaati kacaysay hannaanka wanaagsan ee doorashada Somaliland ay u socotay waxaannu yidhi “Waxaa xusid mudan iyaduna goobjoogayaasha caalamiga ah oo tagey lixda gobol ee Somaliland, si ay markhaati uga noqdaan geedi socodka iyo nidaamka doorashada, waxa run ahaantii farax leh, warsaxaafadeed ay sii daayeen, goobjoogayaashu in ay caddeeyeen inay doorashadani inoogu dhacday si nabadda oo xora oo xalaal ah, waxaa iyaduna xusid mudan oo u baahan in loo mahad-naqo, waddamadii iyo hay’addihi gacanta innaga siiyay, doorashadan iyo kuwii horeba.”
“Doorashadani waxa ay wax weyn ka badeleysaa halkii uu caalamku ka taagnaa arrinka Somaliland iyo xidhiidhkeena, waxay muujisay biseylkeena iyo Dimuquraadiyada Somaliland, waxay markhaati ka tahay qaranimadeena, sidaa awgeed waxaannu ugu baaqay beesha caalamka inay tixgaliyaan rabitaanka, horumarka iyo Dimuquraadiyadda Somaliland,” ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire.
Dawannews Hargeysa office



















