Madaxweyne Siilaanyo oo Hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub & Xisbiyada Aqbalay Natiijadii Doorashada

0
408

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xisbiyada mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID ku bogaadiyay bisaylka siyaasadeed ee ay ku aqbaleen natiijadii doorashada madaxtooyada ee waddanka ka qabsoontay 13kii bishan Novermber.

Waxa kaloo madaxweyne Axmed Siilaanyo uu dhambaal hambalyo ah u diray madaxweynaha  isaga beddeli doona ee shacabka Somaliland doorteen Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici). “Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Xukuumadiisa iyo magaca ummadda Somaliland wuxuu Hambalyo iyo bogaadinba u dirayaa Madaxweynaha Cusub ee la doortay Mudane Muse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Mudane Cabdiraxman Cabdillaahi Saylici,”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed uu xalay soo saaray afhayeenka Madaxtooyada, Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Dayr).

Waxa kaloo dhambaalkaas lagu sheegay; “Madaxweynuhu wuxuu Murrashaxiinta Xisbiga Kulmiye ee ku Guulaystay tartankii Doorashada Madaxtooyada ALLAH uga baryayaa inuu ku asturo xilkaa iyo Masuuliyadaa culus ee ay ummadda u qaadeen. Madaxweynuhu wuxuu Madaxweynaha la doortay kula dar-daarmay inuu ummadda JSL mideeyo isla markaana uu si cadaalad ah ugu xaq-sooro. Ha ogsoonaado inuu Madaxweyne u yahay kuwii isaga u codeeyey, kuwii aan u codaynin iyo kuwii ka aamusayba.”

“Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu hambalyo, ammaan iyo ducoba u diray labada Xisbi Qaran ee UCID iyo WADDANI iyo taageerayaashooda sidii quruxda badnayd ee ay uga qayb qaateen tartankii Doorashada Madaxtooyada.  Madaxweynaha JSL waxa kale oo uu Masuuliyiinta labada Xisbi Ee UCID iyo WADDANI ku bogaadiyey bisaylka siyaasiga ah iyo masuulnimada ay muujiyeen taasoo ay ku aqbaleen kuna qanceen natiijadii ay Komishanka Doorashooyinka Qaranku ka soo saareen Tartankii Doorashada Madaxtooyada ee Dalkeena ka qabsoontay 13.11.2017,”ayaa lagu yidhi  dhambaalka madaxweynaha.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply